Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ee Ay Qoreen Wargeysyada Yurub Maanta Oo Sabti Ah

Manchester City ayaa isha ku heysa inay u dhaqaaqdo weeraryahanka 21 jirka reer Portugal ee kooxda Atletico Madrid Joao Felix iyagoo u arka bedelka Sergio Aguero oo qandaraaskiisa uu dhacayo xagaaga. (Eurosport)

Advertisements

Manchester City ayaa hogaamineysa tartanka loogu jiro 20 jirka kooxda Borussia Dortmund Erling Haaland. (Daily Mail)

Laakiin Barcelona ayaa ka dhigatay Haaland bartilmaameedkooda koowaad xagaagan inkastoo kooxo badan ay u diyaarsan yihiin inay u dhaqaaqaan saxiixiisa. (Mundo Deportivo)

Aabaha Lionel Messi ayaa u safraya Barcelona maalinta Isniinta si uu ugala hadlo madaxweynaha cusub ee kooxda Joan Laporta mustaqbalkiisa wiilkiisa reer Argentina (Mundo Deportivo)

Wakiilka Cristiano Ronaldo Jorge Mendes ayaa kala hadlay Real Madrid suurtogalnimada uu 36 jirkaan ugu soo laaban karo Bernabeu isagoo xagaagan ka tagaya Juventus. (El Chiringuito)

Advertisements

Waxaa weli socda wadahadalada u dhaxeeya Neymar iyo Paris Saint-Germain oo ku aadan qandaraas cusub oo afar sannadood ah, labada dhinac ayaa niyadsami ka qaba in heshiis la gaari doono. (Le10Sport)

Manchester United ayaa dhageysan doonta dalabyada u imaanaya goolhayaheeda David de Gea oo 30 sanno jir ah. (Football Insider)

Manchester United ayaan hubin haddii weeraryahanka Uruguay Edinson Cavani uu dheereysan doono qandaraaska iyadoo shaqaalaha kooxda ay ku jahwareereen xaalada taam ahaanshaha 34 jirkaan. (Manchester Evening News)

Manchester United iyo Chelsea ayaa labaduba doonaya inay la saxiixdaan daafaca kooxda AS Roma iyo xulka Talyaaniga 24 jirka Gianluca Mancini. (Express)

Bayer Leverkusen ayaa kaga horeysa Arsenal tartanka saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Jarmalka Julian Draxler kaasoo qandaraaskiisa Paris Saint-Germain uu dhacayo xagaagan. (Todofichajes)

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*