Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Ay Qoreen Wargeysyada Yurub Maanta Oo Axad Ah.

Advertisements

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ma furna, balse wali wargeysyada kubadda cagta waxey baahinayaan wararka xanta ah ee la xiriira arrimaha suuqa kala iibsiga kooxaha, waxeyna koox walba xusul duub ugu jirtaa sidii ay isku xoojin laheyd marka uu suuqa furmo bisha January.

Waxaan idiin soo koobeynaa wararkii ugu dambeeyay oo ay warbaahinta ka qoreen arrimaha suuqa, inagoo u xaglin doona sheeko walba cidda qortay, taasna waxey meesha ka saareysaa inaan masuul ka noqono xaqiiqda iyo jiritaanka warka aan idiin baahinay.

Man United ayaa diyaar u ah inay Liverpool ka afduubato saxiixa xiddiga Jarmalka iyo kooxda Leipzig 23 sanno jirka Timo Werner. (Daily Mirror)

Tottenham ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo bisha Janaayo goolhayaha kooxda Ajax iyo xulka Cameroon 24 jirka Andre Onana kaasoo lagu qiimeeyo 35 milyan ginni. (The Sun)

Bayern Munich ayaa weli xiiseyneysa saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee kooxda Manchester City Leroy Sane laakiin waxa ay kaliya diyaar u yihiin inay ku dalbadaan 80 milyan euro 23 jirka reer Jarmal. (Calciomercato)

Weeraryahan reer Sweden Zlatan Ibrahimovic oo 38 sanno jir ah oo haatan u ciyaara kooxda Mareykanka ee LA Galaxy ayaa lala xiriiriyay inuu ku laabanayo Manchester United laakiin waxa ay u badan tahay inuu ku laaban doono kooxdiisa kale ee hore ee AC Milan. (Marca)

AC Milan ayaa la filayaa inay soo gabagabeyso xiisaha weeraryahanka reer Brazil ee kooxda Gremio 23 jirka Everton Soares kaasoo sidoo kale lala xiriirinayo Tottenham. (Calciomercato)

Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay inay qasab tahay in Manchester United ay raadsato weeraryahano goolal dhalin kara ka dib guuldaradii ka soo gaartay Bournemouth. (Manchester Evening News)

Barcelona iyo Manchester City ayaa ku tartamaya saxiixa xiddiga reer Uruguay iyo Juventus ee khadka dhexe 22 jirka Rodrigo Bentancur. (Daily Star)

Tababaraha kooxda Arsenal Unai Emery ayaa iska diiday inuu ka jawaabo su’aalo la xiriira mustaqbalkiisa kooxda ka dib barbarihii ay la galeen Wolves. (Express)

Barcelona ayaa u ogolaan doonta xiddiga khadka dhexe ee Spain Carles Alena oo 21 sanno jir ah inuu amaah ku baxo bisha Janaayo isagoo diirada u saaran kooxda Totteham. (Mundo Deportivo)

Madaxa maamulka Inter Milan Giuseppe Marotta ayaa beeniyay wararka sheegaya in weeraryahanka reer Argentina Lautaro Martinez inuu ka tagayo kooxda oo uu ku biirayo Barcelona. (Goal)

Advertisements

Real Madrid ayaa amaah ku fasixi doonta bisha Janaayo xiddiga khadka dhexe 20 sanno jirka Brahim Diaz. (Marca)

Tababaraha kooxda Saint-Etienne Claude Puel ayaa su’aal ka keenay go’aankii ay kooxda ku iibisay daafaca 18 jirka William Saliba kaasoo Arsenal ay iibsatay xagaagii balse amaah ugu laabtay kooxda Faransiiska. (Daily Mirror)

Comments are closed.