Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Ay Qoreen Wargeysyada Yurub Maanta Oo Axad Ah.

Advertisements

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ma furna, balse wali wargeysyada kubadda cagta waxey baahinayaan wararka xanta ah ee la xiriira arrimaha suuqa kala iibsiga kooxaha, waxeyna koox walba xusul duub ugu jirtaa sidii ay isku xoojin laheyd marka uu suuqa furmo bisha January.

Waxaan idiin soo koobeynaa wararkii ugu dambeeyay oo ay warbaahinta ka qoreen arrimaha suuqa, inagoo u xaglin doona sheeko walba cidda qortay, taasna waxey meesha ka saareysaa inaan masuul ka noqono xaqiiqda iyo jiritaanka warka aan idiin baahinay.

Arsenal ayaa wadahadal la galeysa tababarahii hore Spain & Barcelona Luis Enrique iyagoo ka doonaya inuu badal u noqdo tababare Unai Emery. (El Confidential)

Man United ayaa markaan safka hore uga jirta loolanka loogu jiro saxiixa xiddigoodii hore Wilfried Zaha, waxeyna doonayaan iney 27-jirkaan mar kale keenaan Old Trafford. (The Sun)

Goolhayaha Arsenal ee Bernd Leno ayaa bartilmaameed koowaad u ah kooxda Bayern Munich, waxeyna doonayaan inuu badal fiican u noqdo Manuel Neuer. (The Sun)

Tottenham Hotspur oo diyaar u ah iney dalab 50 Malyan oo Pound ka gudbiyaan Memphis Depay, waana xiddig sanadkii 2017 ka tagay Man United kuna biiray Lyon. (Mirror)

Chelsea ayaa la filayaa in suuqa kala iibsiga ciyaartoyda January loo fasaxo, waxeyna bartilmaameed koowaad ka dhiganayaan 24-jirka reer Serbia Sergej Milinkovic-Savic kana tirsan kooxda SS Lazio. (Mirror)

Chelsea ayaa ka dooneysa kaliya 5 Malyan oo Pound koox walba oo dooneysa saxiixa Olivier Giroud oo 33-jir ah marka la gaaro January. (Express)

Paris Saint Germain ayaa si hordhac ah ula xiriirtay wakiilada 20-jirkooda Kylian Mbappe si xiddigaan uu heshiis kordhin kooxda ugu sameeyo, balse wali dalab rasmi ah looma gudbin. (L’Equipe)

Advertisements

Tababare Jurgen Klopp ayaa diiday in 30-jirkiisa daafaca kaga ciyaara Dejan Lovren uu kooxda isaga tago bisha January. (Football Insider)

Juventus ayaa laga yaabaa iney Man United u gudbiso dalab afar ciyaartoy ah oo ay kaga badalanayaan Paul Pogba, The Old Lady waxey diyaar la tahay Mandzukic, Rugani, Matuidi iyo Emre Can kuwaas oo aan boos joogto ah ka heysan kooxda. (Tuttosport)

Comments are closed.