Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Ay Qoreen Wargeysyada Ingariiska Maanta Oo Isniin Ah

Advertisements

Bishan January ee dhamaadka ku dhow ayey  ku egtahay xilliga suuqa iibka ciyaartoyga ee jiilaalka, waxaana ay kooxuhu haystaan muddo kooban oo ay kaga faa’iidaysan karaan.

Sidii aad nooga barateen, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa xantii suuqa iyo hadal-hayntii ugu dambaysay ee ay maanta  oo Axad ah qoreen wargeysyada waaweyn ee Yurub.

Cinwaannadii ugu waaweynaa ee maanta ay wargeysadu ka qoreen suuqa iibka iyo xanta laacibiinta baxaya ama imanaya ayaa waxa ka mid ahaa:

Tottenham ayaa ku dhaw iney la saxiixato weeraryahanka PSV Eindhoven iyo xulka Holland Steven Bergwijn kaas oo 22-jir ah si uu badal ugu noqdo Harry Kane. (Mirror)

Barcelona ayaa 67 Malyan oo Pound ku dalbatay weeraryahanka Monaco Wissam Ben Yedder, 29-jirkaan ayaa la doonayaa inuu badal u noqdo Suarez-ka dhaawacan. (Foot Mercato)

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa iney u dhaqaaqi doonto Krzysztof Piatek oo 24-jir ah hadii ay iska iibiyaan Olivier Giroud. (Sky Italia)

Man United ayaa sare u qaadeysa dalabka ay ku dooneysay Bruno Fernandes oo 25-jir ah, markii hore 46.4 Malyan oo Pound ayaa lagu soo diiday, waxeyna ku qasban yahiin iney sare u qaadaan. (Times)

Arseanl & Everton ayaa ku dagaalamaya kubad sameeyaha Real Madrid James Rodriguez kaas oo amaah uga bixi kara kooxdiisa inta lagu jiro bishaan. (AS)

Carlo Ancelotti ayaa doonaya inuu kooxdiisa kusoo biiriyo Matias Vecino oo aan boos joogto ah ka heysan Inter Milan, xiddigaan waxaa lagu heli karaa 17 Malyan oo Pound. (Gazzetta dello Sport).

Advertisements

Tottenham ayaa heli doonta 10 Malyan oo Pound oo gunno ah hadii koox ka dhisan Premier League ay tababare u magacowdo Mauricio Pochettino inta lagu jiro fasalkaan. (Mirror)

Man United wali waxey rajo ka qabtaa 26-jirka reer Juventus ka tirsan Emre Can kaas oo horay uga soo ciyaaray horyaalka Premier League. (Express)

Comments are closed.