Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartodya Ee Ay Caawa Oo Axad Ah Qoreen Wargeysyada Yurub

Advertisements

Kooxaha waaweyn ee qaaradda Yurub ayaa ku mashquulsan suuqa iibka ciyaartoyga ee bisha January, kaas oo ay naadiyada qaarkood dedaal adag ka samaynayaan si ay helaan ciyaartooyo ay ku xalliyaan dhibaatooyin ay qaybtii hore ee xili ciyaareedka kusoo jireen.

Sidii aad horeba nooga barateen, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa wararkii ugu waaweynaa ee saaka oo Jimce ah ay suuqa iibka iyo dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyey ka qoreen wargeysyada ciyaaraha ee dunida.

Wararkii ugu waaweynaa ee ay caawa qoreen wargeysyadu waxa ka mid ahaa:

Xiddigii hore ee khadka dhexe ee Barcelona Xavi Hernandez ayaa iska diiday inuu haatan la wareego shaqada tababare ee Barcelona oo uu bedelo Ernesto Valverde laakiin waxa uu diyaar u yahay inuu shaqada qabto xagaaga si uu xilli ciyaareedka cusub u hogaamiyo kooxda.

Xavi ayaa qandaraas kula jira kooxda reer Qatar ee Al-Sadd oo uu tababare u yahay ilaa iyo xilli ciyaareedka 2021.

♦♦♦♦♦♦♦♦♦

Bruno Fernandes ayaa ku dhow inuu ku biiro Manchester United isagoo la filayo in maalmaha soo socda uu heshiis 65 milyan ginni uga soo wareego kooxda Sporting Lisbon.

Wakiiladiisa ayaa jooga magaalada London iyagoo xafiisyada Man United ay ku leedahay huteelka May Fair ee magaalada London ay kulan kula yeesheen madaxda kooxda.

Fernandes ayaa la filayaa marka uu yimaado Old Trafford inuu xirto maaliyada No.7 oo aysan jirin cid ku najaxday tan iyo markii uu baneeyay Cristiano Ronaldo.

♦♦♦♦♦♦♦♦♦

AC Milan ayaa xiiseyneysa saxiixa daafaca Bayern Munich Jerome Boateng sida ay sheegtay Sky Sport Italia.

Kooxda Serie A ka dhisan ayaa baadigoobeysa daafac dhexe, waxay qarka u saaran yihiin inay Simon Kjaer kala soo wareegaan kooxda Sevilla laakiin hamigooda ayaa ah inay daafac kale ku soo darsadaan.

Waxay saxiixa Jerome Boateng kula tartami doonaan kooxda Arsenal oo iyagana doonaya daafaca dhexe.

♦♦♦♦♦♦♦♦♦

Sannadkan 2020 ayaa muhiim u noqon doona mustaqbalka xiddiga Paris Saint-Germain ee Kylain Mbappe iyadoo si joogta ah loola xiriirinayo Real Madrid islamarkaana uu isagu diidan yahay inuu qandaraas cusub saxiixo.

Laakiin PSG ayaa ku qasban haddii ay ceshaneyso iyo haddii ay iibineysaba inay 35 milyan euro siiso kooxdiisa hore sida ku jirtay heshiiskoodii hore, taasoo qiimaha Kylian Mbappe gaarsiin doonta 220 milyan euro.

♦♦♦♦♦♦♦♦♦

Xiddiga khadka dhexe ee Tottenham Christian Eriksen ayaa ogolaaday inuu heshiis afar sanno iyo bar ah u saxiixo kooxda Talyaaniga ee Inter Milan isagoo sannadkii mushahar ahaan u qaadanaya 6.5 milyan ginni.

Xiddiga reer Denmark ayaa macsalaameeyay taageerayaasha Tottenham kulankii ay guuldarada ka soo gaartay Liverpool markaasoo lagu ooriyay.

♦♦♦♦♦♦♦♦♦

Inter ayaa sameyn doonta dadaalkeeda ugu danbeeyay ee ay kula wareegeyso xiddiga khadka dhexe ee Barcelona Arturo Vidal. Ka dib dhowr bilood oo wadahadal ay socdeen haatan waxaa la gaaray waqtigii la soo gabagabeyn lahaa.

Inkastoo Barcelona ay ku adkeysaneyso inaysan fasaxeynin Vidal ilaa iyo xagaaga hadana jariirada La Gazzetta dello Sport ayaa qoreysa in Talaadada ama Arbacada in Inter ay la kulmi doono wakiilada ciyaaryahanka.

♦♦♦♦♦♦♦♦♦

Arsenal ayaa diyaar u ah inay amaah ku fasaxdo daafaca Konstantinos Mavropanos oo ay ku siiyaan kooxda horyaalka heerka labaad ee Jarmalka ee Nurnberg inkastoo iyagaba ay difaac xumi heyso.

Wargeyska Jarmalka ee Bild ayaa sheegaya in Nurnberg ay ugu cadcadahay inay hesho daafaca dhexe ee dalka Gariiga u dhashay iyagoo ka dulqaadaya kooxaha Werder Bremen, Dusseldorf iyo Hanover.

♦♦♦♦♦♦♦♦♦

Xiddiga garabka ka ciyaara ee Celtic Lewis Morgan ayaa heshiis la gaaray koxoda Mareykanka ee uu leeyahay David Beckham ee Inter Miami sida ay qortay The Sun.

Advertisements

Laacibkaan oo 23 sanno jir ah ayaa si lama filaan diirada ugu soo koray koxoda ku cusub horyaalka Mareykanka.

♦♦♦♦♦♦♦♦♦

Leave a Reply

Your email address will not be published.