Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Saxiixa Man United Ee Bruno Fernandes Iyo Bruno Fernandes & Lambarka Uu U Xiran Doono Red Devils Oo La Sii Ogaaday

Advertisements

Manchester United ayaa u muuqata ugu danbeyn inay ku dhow dahay saxiixa Bruno Fernandes.

Xiddiga Sporting Lisbon ayaa si xoogan loola xiriirinayay Man United xagaagii laakiin kooxda ayaa ku adkeysaneysay inuu muhiimadooda meel hoose kaga jiro balse taasi haatan waa ay isbedeshay.

Tababaraha Man United Ole Gunnar Solskjaer ayaa si shaqsi ah u amray saxiixa Fernandes isagoo doonaya inuu helo kubadsameeyaha.

Kooxda ayaa muddo dheer dooneysay James Maddison laakiin waxay ogaadeen inaysan jirin fursad ay Leicester ku fasaxeyso xiddiga Ingariiska xilli ciyaareedka oo socda.

Jack Grealish ayaa isna ah xiddig kale oo Man United lala xiriiriyay madaama uu qaab ciyaareed fiican u soo bandhigay Aston Villa xilli ciyaareedkan.

Madaama Villa ay u dagaalameyso inay ka badbaado u laabashada heerka labaad waa ay diiday inay iibiso xiddigeeda.

Waana sababta ay Man United haatan u dooneyso Fernandes.

Fernandes ayaa la filayaa inuu dhameystiro ku biiritaankiisa Man United bishaan Janaayo iyadoo ay si xowli ah ku socoto wadahadalada lagu dhameystirayo heshiiska.

Wakiilka xiddiga khadka dhexe ayaa London joogay isagoo xafiisyada Red Devils ee London kulan kula yeeshay madaxda kooxda, waxayna u muuqataa in waqti kaliya uu naga xigo waqtiga lagu dhawaaqayo heshiiska.

Haddii ay United la wareegto ciyaaryahanka sida la filayo, waxay siin doonaan maaliyad u qalanta xiddiga reer Portugal.

Fernandes waa xiddig weyn oo weliba si gaar ah sumcad uga dhex leh dalkiisa Portugal. Xogtiisa ayaana muujineysa inuu ka mid yahay xiddigaha ugu fiican dunida.

Advertisements

13 gool iyo 13 caawin uu sameeyay 24 kulan uu saftay xilli ciyaareedkan ayaa ka dhigeysa mid u qalma inuu dhaxlo maaliyada No. 7 ee Man United.

Tan iyo markii uu Cristiano Ronaldo ka tagay Red Devils ma jirin ciyaaryahan u cadaalad sameeyay maaliyada No.7

Leave a Reply

Your email address will not be published.