Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Heshiiska Ay Arsenal Kula Soo Wareegeyso Daafac Adag Oo Xilli Ciyaareedkan Ka Horyimid Liverpool

Advertisements

Pablo Mari ayaa gaaray magaalada London si uu tijaabada caafimaadka ugu maro kooxda Arsenal, iyadoo kooxda ay wadahadalo kula jirto kooxda reer Brazil ee Flamengo si ay amaah ugula soo wareegeen daafaca.

Arsenal ayaa dooneysa inay xiddiga reer Spain kula wareegto amaah ilaa iyo dhamaadka xilli ciyaareedkan islamarkaana qiyaar loo siiyo inay si joogta ah u la wareegaan xagaaga.

Waxa uu amaah ugu soo ciyaaray seddex xilli ciyaareed oo isku xigta kooxaha Girona, NAC iyo Deportivo La Coruna ka hor inta uusan heshiis joogta ah ugu biirin Flamengo xagaagii hore.

26 jirkaan ayaa noqon doona saxiixii ugu horeysay ee uu Mikel Arteta sameeyo tan iyo markii uu noqday tababaraha kooxda Gunners bishii December.

Mari waxa uu kooxda Flamengo la qaaday horyaalka Serie A ee dalka Brazil iyadoo daafaca uu saftay 22 kulan oo ka mid ah 38da kulan ee ay kooxda ciyaartay, waxa uu dhaliyay labo gool iyadoo Flamengo ay 16 dhibcood kaga qaaday horyaalka kooxaha Santos iyo Palmeiras.

Wuxuu sidoo kale qeyb ka ahaa kooxdii Flamengo ee koobka Kooxaha Adduunka isagoo ciyaartii finalka ka horyimid weeraryahanada kooxda Liverpool.

Dhanka kale Arsenal ayaa ku qasban inay bixiso 30 milyan ginni haddii ay iibsanayaan daafaca reer Ukriane ee kooxda Shakhtar Donestk Maykola Matviyenkp.

Wakiilka ciyaaryahanka ayaa sheegay in labada kooxood ay wadahadalo u socdaan iyadoo qandaraaska 23 jirkaan ee kooxda reer Ukraine ay ka harsan tahay 18 bilood.

Advertisements

Tababaraha Arsenal Arteta ayaa wajahay Matviyenko labo jeer xilli ciyaareedkan markii uu caawiye u ahaa tababaraha Manchester City Pep Guardiola.

Arsenal ayaa xiiseyneysa inay amaah kula wareegto bedelkii ay si joogta ah u iibsan lahaayeen.

Comments are closed.