Wararkii Ugu Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaartoyda Ee Maanta Oo Salaasa Ah Ay Qoreen Wargeysyada Yurub

Advertisements

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu. Idilkiinba salaan dhamaan akhristayaasha sharaftalahow kuna soo dhawaada barnaamijkeenii sida maalin laha ahaa aanu idiinku soo gudbin jirnay waxyaabaha ay wargaysyada yurub ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaaga ayaa si rasmi ah u furan waxayna koox kastaaba haysataa fursada ay ku samayn karto saxiixyo cusub oo ay xili ciyaareedka cusub kooxdeeda ugu soo xoojin karto.

Kooxaha qaar ayaa haddaba bilaabay in ay saxiixyo muhiim ah sameeyaan halka kuwo kale ay waqti badan ku qaadanayso in ay helaan bartilmaameedyo ku haboon kooxahooda.

Advertisements
Advertisements
Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaysa wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda maanta oo Salaasa ah:

Liverpool ayaa sugi doonta illaa usbuuca ugu dambeeya suuqa iibka ciyaartoyga, si ay dalab rasmiga ah uga gudbiso kubbad-sameeyaha reer Spain ee khadka dhexe uga ciyaara Bayern Munich, Thiago Alcantara oo 29 jir ah. (Talksport)

Manchester United waxay diyaar  u tahay inay Gareth Bale oo 31 jir ah ka gudbiso dalab ku sallaysan qorshaha gaaban, kaas oo ah heshiis amaah ah sannad ah oo uu ugu sii ciyaarayo inta ay lasoo saxeexanayaan Jadon Sancho. (Sun)

Gareth Bale ma doonayo inuu Real Madrid kaga baxo heshiis amaah ah. (Mail)

Red Devils waxay ka baqaysaa in kooxaha ku tartamaya Jadon Sancho ay sii bataan xagaaga dambe, haddii aanay xagaagan kala soo wareegin Borussia Dortmund. (ESPN)

Madaxweynaha Barcelona, Josep Maria Bartomeu ayaa ka dalban doona Lionel Messi, in sannadka ka hadhsan heshiiskiisa ee uu Camp Nou joogayo uu mushahar dhimis sameeyo. (Deportes Cuatro)

Manchester City waxay dalab £82 milyan oo Gini ah oo lagu daray £4.5 milyan oo Gini oo dheeraad ah ka gudbinaysay difaaca Ateltico Madrid ee Jose Gimenez oo ah 25 jir u dhashay Uruguay. (AS)

Kooxda reer Turkey ee Fenerbahce ayaa wada-hadallo la bilowday Liverpool oo ay ka doonayso weeraryahanka reer Belgium ee Divoc Origi. Waxa kale oo 25 jirkan reer Belgium doonaya kooxaha Aston Villa, Newcastle, Brighton iyo Fulham. (Mirror)

Arsenal ayaa u ogolaan doonta laacibkeeda khadka dhexe ee Lucas Torreira oo 24 jir ah, inuu ku baxo heshiis amaah inta ka hadhay xili ciyaareedkan hadda bilowga ah. Kooxaha Fiorentina iyo Torino ayaa xiisaynaya laacibka reer Urugay. (Guardian)

Haddii Manchester City iyo Paris St-Germain ay ku fashilmaan in midkood ay hesho difaaca reer Senegal ee Kalidou Koulibaly, waxa la filayaa in Napoli ay suuqa iibka soo dhigi doonto 29 jirkeedan. (Football Italia)

Manchester United ayaa wada-hadallo meel fiican maraya kula jirta Real Madrid oo ay ka doonayso difaaca bidix ee reer Spain ee Sergio Reguilon oo 23 jir ah. (Marca)

Sevilla oo uu Reguilon xili ciyaareedkii hore amaah ugu maqnaa ayaa booskiisa keensatay Marcos Acuna oo ay kala soo wareegtay Sporting Lisbon. (Evening Standard)

West Ham waxay ka fiirsanaysaa inay dalab kale ka gudbiso difaaca reer England ee James Takowski oo 27 jir ah, kaddib markii ay Burnley kasoo diidday dalabkii ugu dambeeyey oo ahaa £30 milyan oo Gini. (Evening Standardard)

Tottenahma ayaa dalbanaysa weeraryahanka Napoli iyo xulka qaranka Poland ee Arkadiusz Milik, waxaanay ku doonaysaa £5 milyan oo saxeexiisa ah iyo £90,000 Gini oo ay mushahar u siin doonaan. (Football Insider)

Weeraryahanka Barcelona ee Luis Suarez ayaa khatar ugu jira in xili ciyaareedka dambe oo dhan uu ku qaato bannaanka garoomada. 33 jirkan reer Uruguay ayay Barcelona u sheegtay inuu soo raadsado koox kale oo uu u ciyaaro inta aanu suuqu ka xidhmin, haddii kalena sannadka ka hadhay qandaraaskiisa uu bannaanka fadhiyi doono. (ESPN)

Goolhayaha Arsenal ee Emi Martinez oo 28 jir ah, ayaa dhamaystiraya heshiis £20 milyan oo Gini ah oo uu ugu wareegayo Aston Villa. Laacibkan ayaa doonaya inuu iskaga tago Emirates kaddib markii uu Arteta u ballan-qaadi waayey inuu boos joogto ah helayo. (Evening Standard)

Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*