Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Oo Ay Qoreen Wargeysyada Maanta Oo Sabti Ah.

Advertisements

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ma furna, balse wali wargeysyada kubadda cagta waxey baahinayaan wararka xanta ah ee la xiriira arrimaha suuqa kala iibsiga kooxaha, waxeyna koox walba xusul duub ugu jirtaa sidii ay isku xoojin laheyd marka uu suuqa furmo bisha January.

Waxaan idiin soo koobeynaa wararkii ugu dambeeyay oo ay warbaahinta ka qoreen arrimaha suuqa, inagoo u xaglin doona sheeko walba cidda qortay, taasna waxey meesha ka saareysaa inaan masuul ka noqono xaqiiqda iyo jiritaanka warka aan idiin baahinay.

Arsenal ayaa diyaar u ah iney aragto hadii ay isku dayi karto tababaraha Leicester City Brendan Rodgers iyadoo qiimeyneysa liiska macalimiinta badalaya Unai Emery. (Mirror)

Leicester City ayaa dooneysa iney 14 Malyan oo Pound u hesho magdhaw ahaan hadii koox ka dhisan Premier League ay dooneyso tababare Branden Rodgers. (Telegraph)

Kooxda Gunners ayaa lagu soo warramayaa iney xiriir la sameysay tababarahii hore Valencia Marcelino si uu badal ugu noqdo Unai Emery. (The Sun)

Mauricio Pochettino, Nuno Espirito Santo, Massimiliano Allegri iyo Carlo Ancelotti ayaa u tartamaya shaqada banaan ee Arsenal xilli Freddie Ljungberg si kumeel gaar ah loogu dhiibay maamulka kooxda. (Telegraph)

Juventus ayaa xiiso usoo bandhigeysa garabka bidix ee Chelsea Palmieri kaas oo 25-jir ah. (Calciomercato)

Real Madrid ayaa diyaar u ah iney James Rodriguez oo 28-jir ah u bandhigto Arsenal si ay uga qaadato Pierre-Emerick Aubameyang oo 30-jir ah. (El Desmarque)

Advertisements

Inter Milan ayaa ugu cad-cad iney lasoo saxiixato weeraryahanka 31-jirka ah ee Olivier Giroud marka la gaaro january. (Calciomercato)

Luis Suarez ayaa amaan kala duldhacay 22-jirka Chelsea Tammy Abraham, wuxuuna u muuqday mid kooxdiisa ku dhiirigalinaya iney isaga badal uga dhigto. (One Football)

Comments are closed.