Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Oo Ay Caawa Qoreen Wargeysyada Ugu Caansan Yurub.

Advertisements

Salaamu Caleykum dhamaan Akhristayaasha ku xiran Shabakadda Laacibnet, kusoo dhawaada xubintii aan diirada ku saareynay wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Wali waxaa furan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda horyaalada yurub, dhamaan kooxahana waxey heystaan fursado isku mid ah oo ay saxiixyo cusub ku sameyn karaan, waxaan idiin soo gudbin doonaa xaaladahii ugu dambeeyay inagoo sameyn doona xigasho.

Shabakadda LaacibNet masuul kama ahan xaqiiqda iyo jiritaanka warka maadaama aan u xaglinay warbaahinta aan kasoo xiganay.

Advertisements

Wararka suuqa kala iibsiga caawa oo Arbaco ah ugu waaweyn waxaa ka mid ah:

Sergio Reguilon ayaa ku dhaw inuu ku biiro Tottenham Hotspur, daafaca midig ee Real Madrid ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo saxiixiisa Khamiista, waana heshiis ay kooxda London ku ogolaatay in 30 Malyan oo Yuuro dib loogu iibsan karo, waxeyna iibsan kartaa inta lagu jiro labada sano soo aadan. (Marca)

Ronald Koeman ayaa doonaya inuu lasoo saxiixdo Memphis Depay balse wuxuu ku xiray shuruud ah in ciyaartoy laga diro kooxda – “Marka hore waa in ciyaartoy la iibiyo ka hor imaatinka Depay” ayuu Koeman u sheegay El partidazo de COPE.

Gareth Bale ayaa u muuqda inuu ugu dambeyn macsalaameyn doono Madrid, kooxdiisii hore ayuu dib ugu laaban karaa kadib markii wakiilkiisa Jonathan Barnett uu xaqiijiyay wadahadalada labada dhinac. Waxa kaliya oo heshiiskaan baajin kara waa mushaarka Bale. (Marca)

Lucas Torreira ayaa qarka u saaran inuu ku biiro Torin, labada kooxood ayaa ka heshiiyay xaaladiisa, wuxuuna xiddigaan 2018 yimid London si uu Arsenal ugu ciyaaro, muddo kadib Arsenal wuu la qabsan waayay waxeyna ku qasbanaatay iney iska iibiso si ay fursad ugu hesho saxiixyo ciyaartoy kale. (Daily Star).

Jurgen Klopp ayaa doonaya in saxiixyo cusub loo keeno ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyartoyda 5-ta October, kooxda waxaa lala xiriirinayaa Thiago Alcantara iyo Ismaila Sarr. (Mirror).

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*