Wararka Ugu Waaweyn Suuqa Iibka Ciyaartoyga Ee Ay Qoreen Wargeysada Dunida Maanta Oo Sabti Ah

Advertisements

Bishan January ee dhamaadka ku dhow ayey  ku egtahay xilliga suuqa iibka ciyaartoyga ee jiilaalka, waxaana ay kooxuhu haystaan muddo kooban oo ay kaga faa’iidaysan karaan.

Naadiyada dhibaatooyinka kaga jira horyaalladooda ayaa la filayaa inay saxeexyo fiican sameeyaan muddada hadhsan, laakiin haddana waqtiga soo haya darteed, waxa ku yaraan doona gorgortanka iyo wada-xaajoodka, waxaanay taasi ku riixi kartaa inay lacago badan iskaga ogolaadaan ciyaaryahanno aan tayo badan lahayn, amaba ay gebi ahaanba dib uga istaagaan suuqa iyagoo raadinaya laacibiin amaah ugu yimaadda.

Sidii aad nooga barateen, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa xantii suuqa iyo hadal-hayntii ugu dambaysay ee ay maanta  oo Sabti ah qoreen wargeysyada waaweyn ee Yurub.

Cinwaannadii ugu waaweynaa ee maanta ay wargeysadu ka qoreen suuqa iibka iyo xanta laacibiinta baxaya ama imanaya ayaa waxa ka mid ahaa:

Liverpool ayaa rajaynaysa inay Real Madrid iyo Barcelona ku garaacdo saxeexa laacibka khadka dhexe uga ciyaara da’yarta 19 jirrada Portugal iyo kooxda Benfica ee Rafael Brito oo 18 jir ah. Waxa heshiiskiisa lagu xidhay £38 milyan. (Recarod)

Taageereyaasha Manchester United ayaa rajaynaya  inay sameeyaan mudaharaad oo ay ka baxaan Old Trafford kulanka Wolves ay ku martigelin doonaan February 1, kaas oo ay garoonka faaruqin doonaan qaybta dambe iyagoo ka cadhaysan fashilka kooxda ee suuqa iibka. (Mirror)

Khadka dhexe ee Tottenham ee Christian Eriksen oo 27 jir ah ayaa u safri doona magaalada Milan oo uu tijaabada caafimaadka ugu mari doono Sabtida ama Axadda. (Guardian)

Inter Milan waxay usbuucii mushahar ahaan usiin doontaa Christian Eriksen lacag dhan £320,000. (Sky Sports)

Barcelona waxay si layaab leh ugu dhaqaaqi kartaa weeraryahanka heerka caalami ee reer France ee Olivier Giroud oo 33 jir ah. (Independent)

Arsenal ayaa la wariyey inay wada-hadallo la furtay Atletico Madrid oo ay ka doonayso khadka dhexe ee reer France ee Thomas Lemar oo 24 jri ah. (RMC Sport)

Tottenham waxay duullaan ku tahay AC Milan oo ay ka doonayso weeraryahanka Krzysztof Piatek oo ay miiska la fadhiisan doonto inta aanu suuqu xidhmin, waxaanay diyaar la tahay £30 milyan oo ay ka bixinayso 24 jirka reer u dhashay Poland. (Star)

Roma ayaa xiisaynaysa xiddigii hore ee Manchester United ee Adnan Januzaj oo hadda u ciyaara Real Sociedad oo ay da’diisu tahay 24 jir. (Calciomercato)

Arsenal waxay mushaharka u saddex laabi doontaa Gabriel Martinelli oo ay uga dhigi doonto £30,000 usbuucii si ay uga hor joogsato inuu u hanqal taago xiisaha uga imanaya Real Madrid. (Mail)

Manchester United waxay iyaduna mushaharka u laban-laabi doontaa da’yarka reer England ee Angel Gomes oo 19 jir ah, si ay uga xannibto inuu u wareego Chelsea oo lala xidhiidhinayo. (Sun)

Man United waxay xiisaynaysaa weeraryahanka Shanghai Shenhua ee Iduib Uggaki ii 30 jir ah ama Islam Slimani oo ah 31 jir ay Leicester City amaah ugu dirtay Monaco, si midkood ugu buuxiyo booska uu ka dhaawacmay Marcus Rashford. (Sky Sports).

Advertisements

Weeraryahanka reer Argentina ee Paulo Dybale oo 26 jir ah ayaa ku dhow inuu ka tago Juventus xagaaga soo aaddan, waxaana xiisaynaya Manchester United iyo Tottenham. (Guardian)

Tottenham ayaa laga yaabaa inay ku qasbanaato inay hoos u dhigto qiimaha £7 milyan ah ee aay ku doonayso in lagaga iibsado laacibka reer Kenya ee Victor Wanyama oo ay la’dahay cid ka gadata. (Standard)

Comments are closed.