WARARKA SUUQA: Liverpool Oo Xiddig Waayo-Arag Ah Iska Fasaxday Iyo Borussia Dortmund Oo Saxiix Weyn Sameysay

Kooxda Liverpool ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday goordhaweyd inay kooxdeeda ka fasaxday daafaca midig ee waayo araga ah Nathaniel Clyne kaasoo qandaraaskiisa uu dhacayo bishaa Juun.

Clyne oo booskiisa daafaca midig u waayay Trent Alexander-Arnold islamarkaana ay dhaawacyo jahwareeriyeen ayaa heshiis qandaraas kordhin ah ka waayay Reds taasoo keentay in Liverpool ay maanta shaaciso inay fasaxday xiddiga Ingariiska.

Warbixin ay soo dhigeen Twitter ayaa lagu yiri:

“Waxaan xaqiijin karnaa in Nathaniel Clyne uu ka tagayo kooxda dhamaadka bishaan marka uu dhaco qandaraaskiisa.

“Qof walba oo jooga LFC waxay uga mahadcelineysaa Nathaniel howshii uu u qabtay Reds, waxaana u rajeyneysaa mustaqbal wanaagsan oo waayihiisa ciyaareed ah.”

Thomas Meunier Oo lala wareegay.

Dhanka kale kooxda Borussia Dortmund ayaa ku dhawaaday inay dhameystirtay saxiixa xiddigii Paris Saint-Germain ee reer Belgium Thomas Muenier kaasoo hore loola xiriirin jiray kooxaha Premier League sida Man United.

Xiddigaan ayaa heshiis afar sannadood ah u saxiixay kooxda Jarmalka isagoo u xiran doona maaliya lambarka 24aad.

Meunier ayaa ku soo wareegay beeca xorta ah madaama uu dhacay qandaraaskii uu ku joogay kooxda Faransiiska.

Pedro oo heshiis la gaaray Roma

Xiddiga garabka ka ciyaara ee Chelsea Pedro ayaa heshiis rasmi ah la gaaray kooxda AS Roma oo uu ku biirayo xilli ciyaareedka soo socda madaama uu dhacayo qandaraaskiisa kooxda Blues.

Xiddiga reer Spain ayaa ogolaaday inuu sii joogo Chelsea inta uu ka dhamaanayo xilli ciyaareedka Premier League, laakiin ka dib waxa uu u wareegi doonaa kooxda Talyaaniga.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*