War Xun Oo U Soo Yeeray Arsenal Ka Dib Markii Aubameyang Uu Diiday Qandaraas Cusub & Go’aanka Uu Qaatay Oo La Ogaaday

Advertisements

Weeraryahanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa iska diiday qandaraas cusub oo ay u soo bandhigtay Arsenal isagoo ka fiirsanaya inuu kooxda isaga dhaqaaqo.

Xiddiga reer Gabon ayaa dhaliyay 50 gool 78 kulan uu u saftay Gunners tan iyo markii uu 57 milyan ginni uga soo wareegay kooxda Borussia Dortmund sannadkii 2018.

Arsenal ayaa wadahadalo la furtay 30 jirkaan si ay uga saxiixaan qandaraas cusub ka dib markii ay garwaaqsadeen inuu wax badan ku soo kordhiyay kooxda tan iyo markii uu ku soo biiray.

Laakiin Aubameyang ayaa ku jahwareeray horumar la’aanta kooxda, waxaana shabakada Goal ay sheegeysaa in Aubameyang uusan diyaar u aheyn inuu mustaqbalkiisa u hibeeyo kooxda waqti xaadirkaan.

Warar kale oo Ingariiska ka soo baxaya ayaa sheegaya inuu Aubameyang uu iska diiday qandaraaskii loo soo bandhigay, iyadoo weeraryahanka uu qaatay go’aan ah inuu sugo ilaa iyo dhamaadka xilli ciyaareedkan si uu u arko halka ay ku dhameysan doono Gunners xilli ciyaareedka iyo halka uu ku danbeyn doono mustaqbalka tababare Unai Emery.

Qandaraaska uu haatan Aubameyang kula joogo Arsenal waxa uu dhacayaa sannadka 2021, waxaana la fahamsan yahay in Arsenal ay arintaan u la dhaqmeyso si degdegsiimo leh madaama ay ogyihiin inay hal sanno kaliya u harsanaan doonto xagaaga.

Advertisements

30 jirkaan ayaa si xoogan loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Shiinaha ka hor inta uusan saldhigan Emirates laakiin weli ma uusan ka ciyaarin Champions League isagoo xiran maaliyada Gunners.

Kooxda ayaa sidoo kale dooneysa inay qandaraas cusub ka saxiixdo weeraryahanka kale Alexandre Lacazette laakiin weli heshiis lama aysan gaarin.

Comments are closed.