WAR CUSUB: Xiddiga Reer Brazil Ee Oscar Oo Ka Tanaasulaya Dhalashada Waddankiisa Iyo Dalka Uu Muwaadinka U Noqonayo

Advertisements

Xiddiga khadka dhexe ee reer Brazil ee Oscar ayaa doonaya inuu beddelo jinsiyaddiisa oo uu ka tanaasulo waddankiisa, isla markaana uu qaato dhalashada waddan kale.

Oscar oo January 2017 soo afjaray muddo uu ka ciyaaray Stamford Bridge oo uu kaga tirsanaa Chelsea, waxa uu u guuray horyaalka waddanka China ee CSL oo uu kaga biiray kooxda SIPG oo ku iibsatay £60 milyan oo Gini.

Nolosha waddanka China ayaa si fiican usoo dhoweysay Oscar, waxaana 79 kulan oo horyaalka ah oo SIPG uu u saftay saddexdii sannadood ee uu joogay dalkaas uu dhaliyey 24 gool, waxaanu hadda doonayaa inuu gebi ahaanba iska dhiibo baasaboorka waddankiisa Brazil oo uu noqdo muwaadin China ah.

Advertisements

28 jirkan ayaa araysi uu bixiyey waxa uu ku sheegay inuu diyaar u yahay, inuu dhalashada waddankiisa asalka ah ee Brazil ka tanaasulo si uu xulka qaranka China ugu ciyaaro, laakiin waxa uu dhibaato kala kulmi doonaa FIFA oo aanu sharcigeedu ogolayn in ciyaartoy waddan kale usoo ciyaaray uu dal kale meteli karo.

Xiddigan ayaa waddanka Brazil u saftay 47 kulan, iyadoo sannadkii 2011 uu kulankiisii ugu horreeyey uu u ciyaaray, waxaana waraysi uu bixiyey uu ku caddeeyey inuu ku fikirayo inuu dhalashadiisa beddelo, isaga oo sababtana caddeeyey.

“Dabcan, waxaan ka fikiri karayaa inaan beddelo dhalashadayda, sababtoo ah way adag tahay inaan tago xulka qaranka Brazil waqtigan, laakiin China qof walba wuu arki karayaa sida aad u wanaagsan tahay.” Ayuu yidhi Oscar oo u warramay wargeyska Sportscene.

Oscar waxa uu caddeeyey in boos uga bannaan yahay xulka qaranka China, waxaanu yidhi: “Xulka qaranka China, wuxuu u baahan yahay hal ciyaartoy oo khadka dhexe ah, sidaa darteed, waxaan ka fikiri karayaa inaan caawiyo.

“Waan jecelahay China, laakiin ciyaartoydu hadda way beddeli karayaan dhalashadooda si ay u tagaan China, wax wanaagsanna way qaban karayaan.”

Advertisements
Advertisements
Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

3 Fekradood

  1. Qoraalka dhowr meelood oo afsoomaali ahaan sixid u baahan baa ku jira, waana idin la sixi karaa haddii aad diyaar u tihiin.

  2. Qoraalka dhowr meelood oo afsoomaali ahaan sixid u baahan baa ku jira, waana idin la sixi karaa haddii aad diyaar u tihiin.

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*