War Cusub Oo Ka Soo Kordhay Jadon Sancho, Dortmund Oo Si Rasmi Ah U Shaacisay Lacagta & Taariikhda La Dhameystiro Karo Heshiiska

Advertisements

Borussia Dortmund ayaa u sheegtay Manchester United iyo kooxaha kale ee xiiseynaya Jadon Sancho sida Liverpool inay bixiyaan 120 milyan euro ka hor inta aan la gaarin 10ka bisha Agoosto ama haddii kale ma heli doonaan xiddiga Ingariiska.

Madaxda Man United ayaa aaminsanaa inay heshiiska xiddiga Ingariiska ku dhameyn karaan 66 milyan euro iyo lacago ku xirnaan doona qandaraaskiisa.

Laakiin madaxa Dortmund Michael Zorc ayaa mar kale u sheegay madaxda Red Devils inay miiska lacag soo saaraan ama inay afkooda xirtaan.

Advertisements

Zorc ayaa sheegay inuusan dooneynin in arintaan ay iska socoto ilaa iyo inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga.

Wuxuu sheegay in wararka Man United iyo Liverpool la xiriirinaya Sancho inay yihiin kuwa ay saxaafada iska sameysay.

Wuxuu hadalkiisa raaciyay: “Wax wadahdal ah boos uma banaana, 120 milyan euro ayaa ah lacagta kaliya ee aan aqbali karno. Dortmund waxay tababarkeeda xilli ciyaareedka cusub bilaabeysaa 10ka bisha Agoosto, waxba ma iibin doono wixii ka danbeeya taariikhdaas.”

Tababaraha Man United Ole Gunnar Solskjaer ayaa doonayay Sancho oo 20 sanno jir ah inuu ka garab ciyaarsiiyo Marcus Rashford iyo Anthoy Martial si ay u argagixiyaan daafacyada Premier League.

Laakiin qaab ciyaareedka uu la soo baxay Mason Greenwood ayaa ka dhigay saxiixa Sancho mid aan muhiimad weyn laheyn, gaar ahaa lacagta ay dalbaneyso Dortmund.

Sancho ayaa ku biiray Borussia Dortmund sannadkii 2017 isagoo heshiis 7 milyan ginni ah uga tagay Manchester City.

Wuxuu jabiyay rikoodhyo intii uu joogay Bundesliga, isagoo sidoo kale diirada u soo koray kooxaha Chelsea iyo Liverpool.

Haatan Man United ayaa ku qasban inay go’aan degdeg ah gaarto.

Advertisements
Advertisements
Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*