War Cusub Oo Ka Soo Baxay Koobka Lagu Muransan Yahay Ee Community Shield Ee Ay Ku Tartamayaan Liverpool Iyo Arsenal

Advertisements

Wargeyska Sunday Mirror ayaa qoray maanta in koobka daah furka u ah xilli ciyaareedka cusub ee Community Shield ee u dhaxeeya kooxaha Liverpool iyo Arsenal in la soo safi doono ciyaartoyda keydka iyo da’ yarta labada kooxood.

Xiriirka kubada cagta Ingariiska ayaa xaqiijiyay in koobkaan la ciyaari doono maalinta Sabtida ee 29ka bisha Agoosto iyadoo ay ku tartamayaan kooxda hanatay horyaalka Premier League iyo kooxda hanatay FA Cup.

Laakiin inkastoo ay labada kooxood ka qeyb qaadanayaan koobka hadana waxay u badan tahay inaysan soo safi doonin shaxdooda ugu adag sababtoo ah Arsenal waxay tababarka ku soo laaban doontaa 17ka Agoosto halka Liverpool ay xiddigahooda waa weyn aadi doonaan kulamada heerka caalami.

Advertisements

Reds waxay ku soo laaban doontaa xarunta tababarka Melwood si ay isagu diyaariyaan xilli ciyaareedka 2020/21 15ka bisha Agoosto.

Liverpool iyo Arsenal ayaa labadaba ku guuleystay 15 jeer koobka Community Sheild iyagoo markii ugu danbeysay ku kala guuleystay 2006 iyo 2017.

Labada kooxood ayaa ah kooxaha labaad ee ugu guulaha badan koobkaan ka dib Manchester United oo 21 jeer ku guuleysatay.

FA-ga ayaa rajeynayay inay koobka Community Shield u isticmaalaan mid ay ku tijaabin karaan inay tiro yar oo taageerayaal ah u ogolaadaan garoomada laakiin taasi ma dhici doonto haatan madaama dowlada ay diiday in la sameeyo tijaabada noocaas oo kale.

Si kasyaba, xiriirka kubada cagta Ingariiska ayaa ku adkeysanaya in kulankaan uu dhaco madaama xayaysiin badan iyo heshiisyo TV ay ku xiran yihiin.

Ka dib koobka Community Shield waxaa ku xigi doona kulamada heerka caalami oo la ciyaarato 2da ilaa 10ka September iyadoo England ay wajaheyso Iceland iyo Denmark koobka Nations League.

Advertisements
Advertisements
Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

2 Fekradood

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*