WAR CUSUB: Mustaqbalka Kabtan Sergio Ramos Ee Real Madrid Oo U Muuqda Isbedel Ku Yimid – Miyuu Baxayaa?

Madaxweynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez iyo kabtan Sergio Ramos ayaa lagu soo warramayaa inay is-dhaafsadeen taleefano isla markaana ay iskaga soo dhawaadeen farqiyadii u dhaxeeyay ee arrimaha heshiis kordhinta daafaca.

Advertisements

Iyadoo ay xusid mudan tahay inuu dheeraaday is-haysadka iyo is-faham waaga arrimaha heshiis kordhinta ee Ramos, kabtanka kooxda caasimada Spain ayaa hadda u muuqda mid talaabo hore u qaaday.

Image result for Ramos and Perez

Sida uu sheegayo wargeyska Spanish-ka ah ee ABC, inay wax soo dhadhawaadaan oo heshiis kordhinta Sergio horumar laga sameeyo ayay sababeen wicitaano dhex maray isaga iyo madaxweyne Perez.

Ramos iyo Perez ayaa wada hadlay iyaga oo ugu horreynba iska waraystay xaaladahooga caafimaad, Florentino ayaa 2-dii bishan February laga helay xanuunka Korona Fayras halka Ramos dhawaan qaliin uu mudo ku maqnaan doono jilibka lagaga sameeyay.

Sida uu sheegayo ABC, Perez ayaa u sheegay Ramos sida uu ugu faraxsan yahay inuu kooxda u ciyaaray oo uu u dadaalay kulankii afar dhammaadka Spanish Super Cup ee Athletic Bilbao ay guusha ka gaadheen.

Wadahadalada Ramos iyo Perez ee toddobaadkan ayaa ahaa kuwo ay iskaga soo dhawaanayeen kala duwanaanshahooga iyo xiisada u dhaxaysay.

Ramos ayaa ilaa haatan ka cago-jiidayay inuu aqbalo dalabka ay Real Madrid usoo bandhigtay ee ah heshiis laba sano ah iyo mushaharkiisa haatan oo 10% hoos loo dhigo.

Advertisements

 

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*