Daafaca bidix ee ee kooxda Real Madrid ee Marcelo Vieira ayaa qish ka bixiyay inay dhawaan markale garoomada ku midoobi doonaan weeraryahanka Juventus ee Cristiano Ronaldo isaga oo adeegsaday muuqaal lasoo dhigay barta Instagram.
Daafaca bidix ee Real Madrid ayaa dabka kusii shiday wararka ay saxaafada kubadda cagta caalamku wax ka qoraysay muddooyinkan ugu dambeeyay ee Ronaldo la xidhiidhinaya ku laabashada kooxda ree Spain.
Sida uu sheegay wargeyska AS, rajada ugu weyn ee uu qabo Ronaldo ayaa ah inuu ku laabto Real Madrid oo ah kooxda uu u arko mida fursada ugu fiican uu u haysto inuu kula guuleysto Champions League markale kahor inta uusan ka hawl-gabin kubadda cagta.
Marka laga yimaado rekoodhkiisa gool dhalineed ee cajiibka ah ee uu kooxdaas ku samaynayo, arrimaha ayaan ahayn kuwo iskugu toosay Ronaldo tan iyo markii uu ku biiray kooxdaasi iyadoo toddobaadkii hore wareega 16-ka ee Champions League lagu reebay markale.
Wararka xanta ah ee la xidhiidhay Ronaldo ayaa ahaa kuwo cirka ku shareeran tan iyo wakhtigaas iyadoo ay warbixinada qaar sheegeen in Bianconeri ay diyaar u yihiin inay iibiyaan 36 sano jirkaas suuqa xagaaga sanadkan.
Iyadoo badhtanka lagaga jiro wararkaas xanta ah ayuu warkii hore war cusub ku daray Marcelo kaas oo faalo uu ka dhiibtay muuqaal ay shabakadda 433 soo dhigtay uu noqday mid aad loo xigto.
Muuqaalka 433 oo ahaa mid ku saabsan is-fahamkii Ronaldo iyo Marcelo ee wakhtigoodii Los Blancos ayaa lasoo raaciyay qoraalka ah “Xidhiidhkaas ka dhaxeeyay Marcelo-Ronaldo” waxaana uu Marcelo kusoo jawaabay qoraal ah “Si dhakho ah”.
Xataa haddii farriintaas loo fasirto midawga CR7 iyo Marcelo ee markale, maaha muhiim inay ku midoobi doonaan kaliya Real balse waxa sidoo kale jirta fursad ay Juve ugu wada ciyaari karaan.
Marcelo ayaa bar-tilmaameed sarre u ah Juventus halka uu xulashada Real Madrid hoos uga dhacay, labada xiddig ayaa qolka labiska Real Madrid soo wadaagay sagaal sano.
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora