WAR CUSUB: Man United Oo Dalab Cusub Oo Ka Qaalisan Midkoodii Hore Ka Gudbisay Bruno Fernandes – Miyaa La Aqbalay?

Advertisements

Manchester United ayaa lagu waramayaa inay dalab cusub oo gaaraya 46.4 milyan ginni ka gudbisay xiddiga khadka dhexe Bruno Fernandes laakiin Sporting ayaa weli ku adkeysaneysa inay ku doonayaan kabtankooda 50.6 milyan ginni.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa si weyn u doonayay inuu xiddiga khadka dhexe la soo wareego bishaan Janaayo isagoo isku diyaarinaya mustaqbal uu ka maqan yahay Paul Pogba.

Sporting ayaa isbuucii la soo dhaafay ka heshay Man United dalab gaarayay 42.5 milya ginni oo uu la socdo 8.5 milyan ginni oo ku xiran qaab ciyaareedka ciyaaryahanka laakiin kooxda reer Portugal ayaa soo diiday dalabkaas, taasoo keentay wadahadalada istaagaan.

Si kastaba, Red Devils ayaa weli kalsooni ku qabta in heshiis la gaari doono ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga bisha Janaayo, iyadoo Sporting ay bilaabeyso inay hoos u dhigto lacagtii ay ku dooneysay 25 jirkaan.

Wargeyska Ingariiska ee The Times ayaa sheegay maata in Man United ay dalab horumarsan oo gaaraya 46.4 milyan ginni oo ay la socoto lacago abaalmarinta ah oo ku xiran qaab ciyaareedka ciyaaryahanka ka gudbiyeen Bruno Fernandes shalay oo Sabti aheyd, iyadoo United ay sameyneyso dadaalkii ugu danbeeyay ka hor inta uusan suuqa xirmin.

Advertisements

Laakiin kooxda Sporting CP ayaan weli diyaar u aheyn inay aqbasho dalabka United iyagoo doonaya in la siiyo lacag kaash ah oo gaareysa 50.6 milyan ginni.

Kooxda Sporting ayaa la sheegayaa inay filanayaan in maalmaha soo socda ay koox kale oo ka dhisan Yurub ay dalab cusub ka soo gudbiso xiddigii hore ee kooxda Sampdoria.

Comments are closed.