WAR CUSUB: Barcelona & Sergio Aguero Oo Heshiiyay & Sababta Rasmiga Ah Ee Aan Weli Loo Saxiixin

Barcelona ayaa heshiis ka gaartay saxiixa weeraryahanka Manchester City Sergio Aguero iyagoo kula wareegaya si xor ah, waxaana la fahamsan yahay in saxiixa heshiiska aad loogu dhow yahay.

Advertisements

Madaxweynaha cusub ee Barcelona Joan Laporta ayaa ogolaaday in heshiis labo sannadood ah laga saxiixo 32 jirkaan iyadoo qandaraaskiisa uu dhacayo sannadka 2023.

Qandaraaska weeraryahanka reer Argentina ee kooxda Manchester City ayaa dhacata xagaagan taasoo la micno ah inuu xor u yahay inuu koox kale oo aan Ingariis aheyd heshiis la gaaro laga soo bilaabo bishii Janaayo isagoo sidoo kale koox Ingariis ah u wareegi kara xagaaga.

Sida lagu qoray wargeyska AS, sababta kaliya ee aan qandaraaska weli loo saxiixin ayaa ah in Laporta uusan weli si rasmi ah u la wareegin shaqada madaxtinimada Barcelona inkastoo la doortay, waxaa weli kooxda si ku meel gaar ah u sii maamulaya Carles Tusquets.

Advertisements

Wakiilka Aguero oo lagu magacaabo Hernan Reguera ayaa u bandhigay xiddigaan 97da kulan u saftay xulka Argentina seddexdii mushahar ee u tartameysay jagada madaxweynaha Barcelona waxaana si weyn u soo dhaweeyay Laporta.

Kooxda Catalans waxay durbaba si xor ah kula wareegtay daafaca adag ee Manchester City Eric Garcia oo 20 sanno jir ah isagoo sidoo kale ku wareegaya si bilaash ah madaama qandaraaskiisa City uu ku eg yahay xilli ciyaareedkan.

Isbedelka ka dhacaya Camp Nou ayaa ka dhaadhiciyay Aguero inuu ogolaado inuu u wareego Barcelona isagoo xalay dhaliyay goolkiisii ugu horeysay Premier League ee xilli ciyaareedkan.

Heshiiska uu saxiixayo ayaa sidoo kale waxaa loo adeegsanayaa in Lionel Messi looga dhaadhiciyo inuu sii joogo kooxda.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*