WAR CAD: Lionel Messi Oo Ugu Dambayn Si Cad Uga Hadlay Haddii Uu Isagu Doorto Ciyaartoyda & Tababarayaasha Barcelona La Keenayo.

Advertisements

Kabtanka ahna hoggaanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ugu dambayn ka hadlay xanta soo jireenka ah ee sheegta inuu isagu yahay shaqsiga daaha dabadiisa ka maamula kooxda ee doorta cida ay kooxdu keenayso.

Dabcan Messi ayaa kooxdiisa ka kasbaday waxkasta oo uu ciyaartoy koox ka heli karo waxaana midaas sabab u ah qaab ciyaareedka aan marnaba hoos u dhicin ee uu sanadihii ugu dambeeyay koobabka badan ugu soo hoggaamiyay.

Arrinta caddaynysa in Messi uu sumcad weyn ku dhex leeyahay Barcelona ayaa ah in heshiiskiisa haatan ee kooxdu uu u ogolaanayo inuu si xor ah ku baxo markasta oo uu isagu doono.

Iyadoo ay sidaas tahay isla markaana uu Messi sharaftaas ku dhex leeyahay kooxdiisa ayuu markasta saxaafada galaa shakiga ah inay tuhmaan Leo oo ay u arkaan midka xusha ciyaartoyda iyo tababarayaasha ay kooxdu lasoo wareegayso.

Haddaba, Messi ayaa sheegay inuu lasoo qabsaday maqalka wararka sheegaya inuu isagu maamulka kooxdiisa iyo xulka Argentina wax ku leeyahay balse aysan taasi ahayn xaqiiqada.

Advertisements

Kabtanka Barcelona ayaa yidhi “Anigu waan lasoo qabsaday haatan, Sidoo kale maaha markii ugu horreysay ee aan maqlo midaas, Way caddahay inaysan arrintu sidaas ahayn, Sidaas si lamid ah ayaa laga yidhaahdaa xulka qaranka”.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Coutinho Oo Furtay Akoonkiisa Goolasha Bayern, Lewandowski Oo Rikoor Barbareeyay & Bayern Munich Oo Hogaanka Bundesliga Qabatay

“Waxay sheegaan inaan anigu doorto ciyaartoyda iyo tababarayaasha ama in aabahay doorto, Anigu dareen aad u badan ma siiyo arrintaas, Anigu waan ogahay waxa ay doorkayga iyo xaqiiqduba yihiin”.

Comments are closed.