WAR BUUXA: Erling Haaland Oo Doortay Kooxda Uu Ku Biirayo & LABADA Shuruudood Ee Adag Ee Hortaagan

Da’yarka kooxda Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland ayaa kala doortay kooxaha badan ee saxeexiisa ku tartamaya iyadoo xogtii ugu dambaysay ee arrimaha mustaqbalkiisa laga helayaa ay sheegayaan inuu doonayo ku biirista kooxda ree Spain ee Real Madrid.

Advertisements

Haaland ayaa noqday mid bandhig cajiib ah si joogto ah usoo bandhigayay sanadahan ugu dambeeyay waxaana isaga iyo Kylian Mbappe loo arkaa xiddigaha qabsan doona figta sarre ee kubadda cagta sanadaha soo socda.

Si lamid ah Real Madrid, Erling ayay sidoo kale doonayaan kooxo badan oo Yurub ah waxaana laga xusi karaa Manchester City, Manchester United, Chelsea, Liverpool iyo Barcelona.

Sida uu sheegayo wargeyska fadhigiisu yahay magaalada Madrid ee AS oo ah midka xogtan cusub laga soo xiganayo, kooxda uu ku biiristeeda doorbidayo Haaland ayaa ah Real Madrid isaga oo doonaya inuu xidho maaliyada taariikhiga ah ee cad ee kooxdaas.

Advertisements

Si kastaba, labada caqabadood ee la sheegay inay hortaagan yihiin Los Blancos ayaa kala ah diidmada kooxdiisa Dortmund ee inay iibiso 20 sano jirkaas iyo dalabkooda ah inay 154 Milyan oo pound ku iibinayaan haddiiba ay iibinayaan.

AS ayaa sheegaya in Real Madrid aysan doonayn oo ay ka warwareegayso inay dagaal dhinaca dalabaadka ah la gaso kooxaha kale si aysan ciyaaryahanka u waayin.

Madrid ayaa doonaysa inay dalab sax ah ula tagto Dortmund oo ay gaar ula hadasho haddiiba ay kooxdaasi go’aansato inay wadahadalo ka gasho iibka Haaland.

Laakiin si ay taasi u dhacdo Los Blancos ayaa u baahan doona in marka hore Haaland qudhiisu uu Borussia Dortmund u sheego riyadiisa ah ku biirista Real Madrid.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*