Waqtiga La Qaban Doono Finalka FA Cup Oo War Cusub Laga Helay Iyo Saamaynta Uu Ku Yeelan Doono Xili Ciyaareedka Dambe

Advertisements

Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa ku adkaysanaya in tartanka FA-ga ee xili ciyaareedkan la dhamaystiri doono, isla markaana kulanka finalka la qaban doono xilli ku beegan badhtamaha xili ciyaareedka dambe oo ay is dhex-geli doonaan.

Maamulka ayaa la sheegay in naadiyada siddeedda ah ee isugu soo hadhay ay doonayaan inay si caadi ah kulamadooda min hal lug ugu dhamaystiraan, xilli la kansalay horyaallada heerka hoose ee National League-ga loo yaqaano oo waxba kama jiraan laga dhigay xili ciyaareedkan.

Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska, waxay ka go’an inkasta oo dibu-dhigis ay ku sameeyeen horyaalka Premier League, Championship iyo tartamada kale oo dhan ay haddana dhamaystiri doonaan xilli ciyaareedka oo waqtigii loo qabtay in dib loo bilaabo ay ku egtahay April 30, hase yeeshee la filayo in dib loo riixo muddo kale maadaama Coronavirus uu dhibaato badan ku hayo dunida iyo dalkaasba oo aanay suurtogal ahayn in kooxuhu ciyaaraan.

72-ka saacadood ee soo socda ayaa xidhiidhka FA la filayaa in ay soo saaraan go’aan cusub oo ay ku caddaynayaan xilliga la qaban doono finalka ciyaaraha FA Cup oo hore u qorshaysnaa in May 23 lagu ciyaaro garoonka Wembley.

Advertisements

War-saxaafadeed FA-gu hore usoo saaray ayaa lagu sheegay in Emirates FA Cup, Women’s FA Cup, EFL, Championship iyo Premier League ay heer wanaagsan marayaan oo la dhamaystiri doono, laakiin dib loo eegi doono jadwalkooda sida loogu dhamaystiri karayo tartamadan marka xilli bed-qab laga yahay Coronavirus la gaadho.

Si kastaba ha ahaatee, 72 saacadood kaddib waxa la filayaa in xidhiidhku uu soo saaro go’aan rasmi ah oo dib loogu dhigayo finalka FA cup, waxaana la hadal hayaa in la qaban doono bisha September ee sannadkan, xilligaas oo horyaalka Premier League ee xili ciyaareedka dambe uu bishii labaad geli doono.

Comments are closed.