Wali Ma Is Weydiisay Shaxda Uu Ku Ciyaari Lahaa Jurgen Klopp Oo Tababare U Ah Manchester City? Saadaal La Sameeyay & Shaxda Xoogan Ee Kasoo Baxday.

Advertisements

Manchester City ayaa lasoo saxeexan karaysay tababare Jurgen Klopp si ay ugu bedesho Manuel Pellegrini sanadkii 2016 haddii uusan ninka ree Germaany dooran lahayn inuu Liverpool la midoobo sanadkii ka horreeyay ee 2015.

Klopp ayaa lala xidhiidhinayay inuu Etihad u dhaqaaqayo kaddib dhammaadkii xilli ciyaareedkii 2014/2015  ee uu Dortmund ka tagay balse waxa uu wakhtigaas go’aansaday inuu mudo sanad ah ka nasto kubadda cagta.

Iyadoo lagu gudo jiro sanadka nasashada ah ee Klopp uu qorsheeyay ayay Liverpool caydhisay Brendan Rodgers taas oo ku qasabtay inuu aragtidiisii hore bedelo kaddib xidhiidhka ay Reds lasoo sameeyeen.

Haddaba, Haddii uu Klopp maanta ahaan lahaa tababaraha kooxda uu toddobaadkan wajahayo ee City, Maxay noqon lahayd shaxda uu ku ciyaari lahaa, Wargeyska Express Sport ayaa qiyaas ku sameeyay.

Waxa laga yaabaa in Klopp uu iska sii haysan lahaa goolhaye Joe Hart oo uu Guardiola xilli horeba u sheegay inuusan qiimaynin balse qiyaastii uu  Klopp isaga ku socon lahaa mudo oo uusan go’aansadeen inuu goolhaye kale keensado.

Jurgen ayaa bedeli lahaa Zabaleta oo da’ ahaan weynaanayay iyo Bacary Sagna oo markaas kasii socda City waxaana la qiyaasayaa inuu la saxeexan lahaa daafacii midig ee uu ku aaminsanaa Dortmund ee Lukas Piszczek.

Daafaca dhexe ayaa u noqon lahaa John Stones oo haatan City ka tirsan, Virgil Van Dijk oo uu isagu Liverpool keensaday si lamid ah Andrew Roberton oo uu Reds isla isagu keenay.

Advertisements

Khadka dhexe ayaa ahaan lahaa mid haatan ee Man City ee Fernandinho, Kevin De Bruyne iyo David Silva walow uu isbedelo kooban ku samayn karayay.

Saddexleyda weerar ee shaxdan uu Express Sport qiyaasay ayay kusoo baxeen xiddigaha haatan ee Man City Raheem Sterling iyo Sergio Aguero si lamid ah da’yarka ree Germany ee uu aadka u qiimeeyo Klopp ee Julian Brandt.

Man City news: How Klopp may have lined-up

One response to “Wali Ma Is Weydiisay Shaxda Uu Ku Ciyaari Lahaa Jurgen Klopp Oo Tababare U Ah Manchester City? Saadaal La Sameeyay & Shaxda Xoogan Ee Kasoo Baxday.”