Tababaraha kooxda AC Milan ee Stefano Pioli ayaa u muuqday mid aad uga cadhaysan dhigiida Manchester United dhammaadkii kulankii labada kooxood dhex maray habeenimadii Khamiistii ee ka tirsanaa wareega 16-ka ee UEFA Europe League.
Iyadoo ay labada kooxood lugtii hore kusoo kala baxeen bar-bardhac min 1 gool ah ayuu Paul Pogba sameeyay kala duwanaanshaha ciyaartii ka dhacday San Siro isaga oo daqiiqadii 47-aad shabaqa dhex dhigay goolka ay kooxdiisu ku badisay.
Pioli ayaa ahaa mid aaminsan in kooxdiisa Milan ay u qalantay inay guul gaadho maadaama oo ay qaab wanaagsan u ciyaartay iyadoo ay khubarada kubadda cagtu ku amaaneen hab ciyaareedkeedii kulankaas.
Kulanka kaddib ayuu tababaraha Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer amaanay kooxda tababare Pioli ee Milan balse amaantiisa ayaa u muuqatay mid sababtay cadhada iyo in la arko dhinaca xun ee tababaraha Rossoneri.
Kaddib markii la yeedhiyay siidhigii ugu dambeeyay ee ciyaarta, 48 sano jirka Norwegian-ka ah ayaa u tagay Pioli si uu ugu hambalyeeyo qaab ciyaareedka wacan ee kooxdiisu la timid.
“Koox wanaagsan” ayuu ku yidhi Ole Gunnar isla markii uu u tagay tababarihii hore ee Fiorentina oo isaguna u muuqday mid u fahmay hadaladaas jees-jees.
Stefano Pioli ayaa isaga oo cadhaysan ugu jawaabay Ole “Koox wanaagsan doqonkaygiiyaw, waxba ma tihid aan ka ahayn doqon, walaashaa baa koox wanaagsan haysata”
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora