Walaalo, Abti, Adeer, Ila-adeer – Akhriso Xiddigaha Waaweyn Ee Qaraabada Ah Ee Laga Yaabo In Aanad Hore U Ogeyn

Xaqiiqooyinka ciyaartoyda kubadda cagta adduunka, waxa aan bannaanka imanin in badan oo ka mid ah oo aanay taageereyaashu ogaanin, laakiin raadraaca asal ahaan halka ay ka yimaaddeen ayaa ah midda lagu xaqiijiyo ehellada uu laacib kastaa leeyahay.

Haddii lagu yidhaahdo xiddiga Chelsea ee Ross Barkley waxa uu leeyahay adeer reer Nigeria ah, sow lama yaabaysid? Waa arrin jirta ah e, xaqiiqdo.

Haddii lagu yidhaahdo halyeygii reer Australia ee Mark Viduka ee Liverpool u ciyaari jiray iyo Luka Modric waa ilma adeer, miyey layaab kugu noqonaysaa? Dabcan, haa, laakiin waa xaqiiqo jirta e ogaalkaaga ku darso.

Haddii aad maqasho in xiddiga Barcelona iyo xulka Brazil ee Philippe Coutinho ay ehel dhow yihiin Juninho, sidaas oo kale meel ugu qoro oo yay xusuustoodu kaa bixin.

Lionel Messi oo lix jeer ku guuleystay xiddiga adduunka, markii uu ka garab ciyaarayay Bojan, miyaad ka dareentay inay ehel dhow yihiin?

Haddaba, waxa lasoo bandhigtay ciyaartoyda waaweyn ee ehelka ah ama qaraabada ah ee garoomada kusoo wada qaatay isku waqti ama xilliyo kala duwan soo maray, waxaana ku jira kuwo aanad waligaa meesha soo dhiganin.

Halyeygii reer Nigeria ee Jay-Jay Okacha ayaa waxa la shaaciyey inuu adeer u yahay laacibka Everton ay kala soo wareegtay Arsenal ee Alex Iwobi, sidaas oo kalena ay ay ilo-adeer yihiin Luka Modric oo reer Croatia ah iyo Mark Viduka oo reer Australia ah.

Halkan ka akhriso xogta ciyaartoydan:

Luka Modric iyo Mark Viduka – Ilmo-adeer

Thiago Alcantara iyo Rafinha – walaalo

Alex Iwobi iyo Jay-Jay Okocha – Halyeyga Nigeria ayaa adeer u ah

Lionel Messi iyo BojanIlmo-adeer afraad

Kevin Prince Boateng iyo Jerome Boateng – walaalo

Carl Cort, Leon Cort iyo Ruben Loftus-Cheek – walaalo

Leroy Fer iyo Patrick van Aanholt – Ilmo-adeer

Gini Wijnaldum iyo Royston Drenthe – Ilmo-adeer

Jamie Redknapp iyo Frank Lampard – Ilmo-adeer

Jordan iyo  Andre Ayew – Waa walaalo uu dhalay Abedi Pele

Daniel Sturridge – Wuxuu leeyahay laba adeer oo usoo ciyaaray Premier League oo kala ahaa Dean iyo Simon Sturridge

Lomana iyo Kazenga LuaLua – waa Walaalo ay ilo-adeer yihiin Yannick Bolasie

Coutinho iyo Juninho – Ilmo-adeer fog

Didier Drogba iyo Olivier Tebily – Ilmo-adeer

Thorgan Hazard, Eden Hazard iyo Kylian Hazard – Walaalo

Paul, Florentin iyo Mathias Pogba – Walaalo

Taulant iyo Granit Xhaka – Walaalo

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

2 Fekradood

  1. Asc aan idiinka saxa boojan waa Serbia dhalasha Spain haysta Messi shaqa maku laha arinkan iska saxa

  2. Viduka Liverpool uumu ciyaar jirin ee DADKA iyo dayarta been ha uu qorina ee waxa uu ciyaar jiray leedesunited.

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*