Waatan Shaxda Birta Ah Ee Uu Jose Mourinho Doonayo Inuu Premier League Ugu Dagaalamo Kaddib Saxeexyada Bale Iyo Reguilon

Advertisements

Kooxda ree London ee Tottenham ayaa ku dhaw inay ku guuleysato saxeexyada xiddigaha Real Madrid ee Gareth Bale iyo Sergio Reguilon kuwaas oo haddaba la xaqiijin karo inay yihiin ciyaartoy Spurs ah oo kaliya wakhti ka xigo inay kooxdaas metelaan.

Tababare Jose Mourinho ayaa saxeexyo deg-deg ah u baahday kahor xidhitaanka suuqa kala iibsiga kaddib markii ay guuldarro 1-0 ah ku furteen Premier League iyagoo ku hor kufay kooxda Everton.

Image

Iyadoo ay dhaw-dhaw yihiin saxeexyada Bale iyo Reguilon isla markaana ay Tottenham horeba u samaysay heshiisyada Matt Doherty oo daafac midig ah iyo khadka dhexe ee bur-buriyaha ah ee Hojbjerg ayaanu halkan idinkula wadaagaynaa shaxda macquulka ah ee ay xilli ciyaareedkan ku dagaal geli karaan.

Advertisements

Spurs ayuu shaxdan oo ay samaysay shabakadda WhoScored booska goolka ugu soo baxay kabtan Hugo Lloris oo sida la filayo kasoo horrayn doona Gazzaniga iyo Joe Hart.

Labada daafac dhexe ayaa walow uu isbedel ku iman karo ay hadda kasoo muuqdeen Eric Dier iyo Alderweireld oo uu kulankii ugu dambeeyay soo xushay Jose Mourinho halka labada daafac garab ay yihiin saxeexa cusub ee Doherty iyo Reguilon oo qudhiisa saxeex cusub lagu sii tilmaamo karo.

Saddexda khad dhexe ee shaxdan oo ay iska waayeen xiddigo badan oo miisaan ku dhex leh Tottenham sida Dele Alli iyo Moussa Sissoko ayay kasoo muuqdeen Gio Lo Celso, Hojbjerg iyo Harry Winks oo saddexley cajiib ah samayn kara.

Weerarka shaxdan oo holac ah ayay garbaha saaran yihiin Son Hueng Min iyo Gareth Bale halka uu booska weeraryahanka dhexe kasoo muuqday Harry Kane.

Shaxda Oo Sawir Ah

Advertisements

Image

 

Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*