Waatan Shaxda Ay Man United Doonayso Inay Ku Ciyaarto Haddii Uu La Wareego Dhaxal Sugaha Saudi Arabia Ee Mohamed Binu Salman – Ma Tahay Shax Horyaal Ku Hoggaamin Karta?

Advertisements

Mulkiilayaasha Manchester United ee haatan ee Glazer Family ayaa dhawaan ku dooday inaysan waxba ka jirin wararka sheegaya inay kooxdooda ka iibinayaan boqortooyada Saudi Arabia gaar ahaan dhaxal suge Mohamed Bin Salman.

Iyadoo ay sidaas tahay ayaysan haddana taasi joojinin wararka xanta ah ee sheegaya in Red Devils lala wareegi karo mustaqbalka dhaw.

Walow ay United haatanba kamid tahay kooxaha ree Yurub kuwa ugu qanisan haddana haddii heshiiskaasi dhaco ayay noqon doontaa mid sidan kasii qanisan .

Mulkiyada Man United oo lala wareego ayaa la micno ah in kooxdu ay suuqa u gali doonto markalena ay lacag badan ku bixin doonto sidii ay ugu soo noqon lahayd heerkeedii ugu wanaagsanaa oo ay sanado la’ayd.

Aan ku bilawnee saxeexyada ay samayn karto ayuu kamid yahay daafaca bidix ee Valencia ee Jose Gaya sida ay wararka Spain ka imanayaa sheegayaan, Booskaas ayaa ah mid ay United ka dhibantahay tan iyo bixitaankii Patrice Evra.

Luke Shaw ayaan marnaba gaadhin joogtaynta ciyaareed ee ay Manchester ka doonayso isaga oo dhaawacyo deris la noqday halka da’yarka haatan soo baxay ee Brandon Williams loo arko mid aan wali u bislayn inuu toddobaad kasta ciyaaro.

Saxeexa labaad ee ay samayn karaan ayaa ah James Maddison oo Leicester City bandhig weyn kusoo samaynayay tan iyo markii uu kusoo biiray sanadkii hore.

Iyadoo hal abuur la’aan ay yihiin xiddigaha booska 10-aad ee United ee Juan Mata, Lingard iyo Perriera ayuu dhibkaas ka xalin karaa walow ay Foxes lacag badan dul dhigi doonto.

Saxeexa saddexaad ayaa ah Jadon Sancho oo Borrusia Dortmund ka tirsan, United ayuu Sancho bar-tilmaameedka koowaad u ahaa suuqii xagaaga balse inaysan Champions League ciyaarayn darteed ayay usoo jiidan kari waayeen.

Advertisements

Shaxda Man United Ay Ku Ciyaari Karto Haddii Boqortooyada Sucuudiga Laga Iibiyo:

De Gea, Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Gaya, McTominay, Pogba, Sancho, Maddison, Rashford, Martial

4 responses to “Waatan Shaxda Ay Man United Doonayso Inay Ku Ciyaarto Haddii Uu La Wareego Dhaxal Sugaha Saudi Arabia Ee Mohamed Binu Salman – Ma Tahay Shax Horyaal Ku Hoggaamin Karta?”

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

*