Waatan Shaxda Ay Adkaan Doonto In La Joojiyo Ee Ay Chelsea Lasoo Shirtagi Karto Xilli Ciyaareedka Dambe & Wajiyada Ku Cusub

Chelsea ayaa lala xidhiidhinayaa saxeexyo dhawr ah oo waaweyn inay samayn doonto suuqa xagaaga soo socda, xiddigii ugu dambeeyay ee magaciisa lagu xuso ayaa ah Paulo Dybala oo ka tirsan Juventus isla markaana heshiis 47 Milyan oo pound ah ugu soo wareegi kara.

Advertisements

Sida lagu sheegay wargeyska France Football, kooxaha Chelsea iyo Tottenham ayaa ah kuwo xiiso u muujinaya Dybala oo xilli ciyaareed adag ku qaadanaya magaalada Turin.

Haddaba, shaxda uu wargeyska The Sun u saadaaliyay Chelsea xilli ciyaareedka dambe ayaa ah mid ay ku cusub yihiin afar ciyaaryahan iyadoo laga dhex waayay ciyaaryahano hadda muhiim u ah Blues.

Layaabka xulashadan ayaa ah in Edouard Mendy oo wacdarro ku dhigaya Chelsea uu booskiisa waayay isla markaana The Sun uu soo xushay goolhayaha AC Milan kasii jeeda ee Donnarumma.

Advertisements

Saddexda daafac dhexe ayaa kala ah Gimenez oo Atletico Madrid ka tirsan balse qirtay jacaylka uu u qabo Blues, Antonio Rudiger iyo Cesar Azpilicueta oo la filayo inay kaalmahooda sii haysan doonaan.

Labada daafac garab ayaa ah xiddigaha ree England ee Reece James iyo Ben Chilwell halka ay labada khad dhexe ee dambe yihiin Jorginho iyo N’Golo Kante.

Saddexleyda weerarka ee shaxdan ayaa kala ah Mason Mount, Paulo Dybala iyo Erling Haaland taas oo ah inay boos waayeen xiddigihii Chelsea lacagta badan ku yimid xagaagii hore ee Kai Havertz, Timo Werner iyo Hakim Ziyech.

Shaxda Oo Sawir Ah

Advertisements

How Chelsea could line up with Timo Werner leaving and four stars arriving

 

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*