Waatan Sababta Ugu Weyn Ee Uu Cristiano Ronaldo Uga Dhaaran Karo Ku Laabashada Real Madrid Walow Uu Aad U Doonayo

Waxa aad u adag in weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo uu kusoo laabto kooxdiisii hore ee Real Madrid balse caqabadaha kahor istaagi kara ayaa ah kuwo badan, mid kamida sababaha ugu waaweyn ee uu uga baaqan karo ayaa ah in kooxdu ay weydiisan doonto mushahar dhimis.

Advertisements

Ronaldo ayaan awood u yeelan inuu wixii laga filayay ku muujiyo Juventus kaddib mudo saddex sano ku dhaw oo uu joogo, inuu kooxdaas iskaga tago suuqa xagaaga sanadkan ayaa ah wax macquul ah.

Dhibtii ugu dambaysay ee ahayd inay wareega 16-ka kaga hadheen Champions League, eedaymaha badan ee loosoo jeediyay Ronaldo qudhiisa iyo waliba baahida ah in Real Madrid ay doonayso inay hoggaamiye kusoo darto safkeeda weerarka ayaa sababaya in dib loola xidhiidhiyo CR7.

Su’aasha ayaa ah, maxay tahay in Cristiano Ronaldo uu sameeyo si uu Real ugu ciyaaro isaga oo 36 sano jir ah? wargeyska AS ayaa sheegaya in talaabada ugu muhiimsan ee uu qaadi karaa ay tahay dhinaca lacagta sababtoo ah xaalada dhaqaale xumo ee hadda dunida ka jirta.

Advertisements

Juventus ayaa loo badinayaa inaysan wax iska caabin ah oo weyn samayn doonin haddiiba uu Cristiano weydiisto in la fasaxo, Juve ayaan diidi doonin inay fasaxdo xiddig mushahar sidaas u badan ka qaata maadaama oo uu culays dhaqaale uun iyaga ka dulqaadi doono.

Mushaharka uu hadda Ronaldo ka qaato Bianconeri ayaa ah 31 milyan oo euro sanadkii, Real Madrid ayaan doonayn inay lacagtaas bixiso waxaana haddiiba ay isku dayaan inay dib ula saxeexdaan ay u bandhigi doonaan lacag 25 Milyan oo euro ah.

Marka laga yimaado mushahar dhimistaas, Ronaldo ayaa haddii ay dhacdo wali sii ahaan doona xiddiga ugu mushaharka badan Real Madrid isaga oo ka sarreyn doona Gareth Bale oo hadda u sarreeya.

Ugu dambayn, haddiiba uu Ronaldo kusoo laabto Estadio Santiago Bernabeu ayay Real Madrid ku qasbanaan doontaa inay si rasmi ah u dirto Bale si ay u awoodi inay lacagta mushaharka Ronaldo si dhib la’aan ah ugu bixin karto.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*