Waatan Lacagta Aad La Yaabayso Ee Ay Man United Ku Diiday Inay Kula Saxeexato Daafaca mayalka Adag Ee Dayot Upamecano!!

Advertisements

Kooxda ree England ee Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay aad ugu dhawaatay saxeexa daafaca dhexe ee kooxda RB Leipzig ee Dayot Upamecano shan sano kahor balse ay ku diideen inay ku helaan lacag aad u jaban.

Upamecano ayaa sanadkii 2017 lacag 9 Milyan oo Pound ah ugu wareegay dhinaca RB Leipzig waxaana uu tan iyo wakhtigaas kamid noqday daafacyada dhexe ee loogu doonista badan yahay qaarada Yurub.

Arsenal, Liverpool, Manchester United iyo Real Madrid ayaa dhammaantood kamid ah kooxaha waaweyn ee lala xidhiidhiyay magaca xiddiga heer caalami ee xulka France.

Advertisements

Isaga oo kaliya 21 sano jir ah, Dayot Upamecano ayaa 118 kulan usoo ciyaaray kooxdiisa Leipzig waxaana la fahamsan yahay inay lacag 55 Milyan oo Pound ah ku qiimayso kooxdiisu.

Laakiin waayihiisa ciyaareed ayaa noqon karayay kuwo gabi ahaanba sidaas ka duwan haddiiba uu hirgeli lahaa heshiiskii ay Manchester ku damacday sanadkii 2015.

Isaga oo ahaa markaas da’yar 16 sano jir ah oo ku jiray kuliyada kooxda Valenciennes, Dayot Upamecamo iyo hooyadii oo uu wakiilkiisu weheliyo ayaa yimid Old Trafford si ay Red Devils ugu soo wareegaan sida uu sheegayo wargeyska The Sun.

Laakiin ciyaaryahanka ayaa faro madhnaan ugu laabtay France kaddib markii ay Man United diiday in dalabka 500,000 ee Pound ah ee ay ku doonaysay ay ka dhigto 700,000 oo Pound taas oo la micno ah inay saxeexiisa kaliya 200,000 oo Pound u weyday.

“Dayot waxa uu doonayay inuu United ku biiro lacagtuna dhab ahaantii waxba ma aysan ahayn, ugu horreyntii waxa uu helay la dhaqanka rooga-cas (Si wanaagsan ayaa loola dhaqmay) laakiin intaas kaddib waxyar ma aysan kordhin dalabkooda waana uu tagay” ayaa lagu sheegay The Sun.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*