Waatan Kooxda Loo Sheegay Inuu Erling Haaland Doonayo Inuu Ku Biiro & Kooxaha Kale Ee Quusta Taagan

Kooxda difaacanaysa horyaalka La Liga ee Real Madrid ayaa la xusayaa inay tahay kooxda loo sheegay inuu ku biiristeeda doonayo mashiinka goolasha Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland.

Advertisements

Weeraryahanka kooxda ree Germany ayaa ku jira qaab ciyaareed aad u heer sarreeya waxaana saxeexa safaf dhaadheer ugu jira kooxaha ugu waaweyn Yurub.

Sida uu sheegay wargeyska MARCA, Haaland ayaa qalbiga gashaday inuu ku biiro Real Madrid waxaana uu wakiilkiisa Mino Raiola u sheegay inuu wadahadalo la bilaabo kooxdaas.

Laakiin Madrid ayaysan sidaas sahlan waxba ugu suurogali doonin maadaama oo ay jiraan kooxo badan oo rajo ka qaba saxeexa 20 sano jirka Norway kasoo jeeda.

Advertisements

Manchester United oo uu hormood ka yahay Ole Gunnar Solskjaer oo hore ula soo shaqeeyay Haaland ayaa bar-tilmaameedkeeda koowaad ee suuqa xagaaga iyaduna ka dhigatay xiddigaas.

Chelsea ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayaa saxeexa Erling Haaland, si lamid ah Manchester City oo dhinaca qoyska xiddiga taageero ka helaysa maadaama oo uu aabaha Haaland usoo ciyaaray kooxdeeda.

Waxa la filayaa inuu mustaqbalka Haaland noqon doono mid kamida kuwa ugu hadal haynta badan ee suuqa xagaaga iyadoo uu u muuqdo mid kasii jeeda Dortmund.

Haaland ayaa 32 kulan oo uu xilli ciyaareedkan ciyaaray 33 gool ugu soo dhaliyay Borussia, goolashiisii ugu dambeeyay ayaa ahaa kuwo uu xalay ka dhaliyay kooxda FC Koln.

Haaland ayaa noqday gool dhaliyihii 20 gool oo UEFA Champions League ku gaadhay kulamada ugu yar kaddib markii uu 14 ciyaarood kusoo diiwaan gashaday tiradaas.

Advertisements

 

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*