Waatan Kooxda Kaliya Ee Uu Cristiano Ronaldo Uga Tagi Karo Juventus Si Uu Ugu Biiro Suuqa Xagaaga Sanadkan

Hoggaamiyaha weerarka ee kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayay soo baxeen warar sheegaya in kooxdiisii hore ee Real Madrid ay tahay mida kaliya ee uu uga tagi karo Juve suuqa xagaaga ee sanadkan haddiiba looga waco.

Advertisements

Xilli ciyaareedkan ayuu Ronaldo Juventus 34 kulan oo uu usoo ciyaaray tartamada oo dhan usoo dhaliyay 30 gool taas oo caddayn ugu filan sida uu wali u yahay mashiin dhinaca goolasha ah.

Xilli ciyaareedkii hore CR7 ayaa 37 gool Juve ugu soo saxeexat 46 kulan oo uu u ciyaaray halka midkii kasii horreeyay uu 28 gool ugu soo dhaliyay 43 kulan taas oo ka dhigan in Real Madrid ay 95-kaas gool weyday tan iyo markii uu kasoo dhaqaajiyay kooxdeeda sanadkii 2018.

Bedelkiisa, weeraryahanka ree France ee Karim Benzema ayaa usoo baxay Real isla markaana noqday isha ay goolasha ugu badan ka helaan balse taas ayaa ka badbaadin kooxda cadaadis kaga imanayay maqnaanshaha Ronaldo.

Advertisements

Sida lagu sheegay hadda wargeyska Marca, iyadoo ay jiraan warar dhawaanahan soo baxayay oo Ronaldo dib ula xidhiidhinaya Estadio Santiago Bernabeu ayuu kooxdaas ku laaban karaa haddiiba ay dib ugu wacdo.

Talaabada koowaad ee uu Ronaldo dib ugula midoobi karo Los Blancos ayaa noqon karta inuu marka hore go’aansado inuu iskaga tago magaalada Turin oo uu aamino in waayihiisii kubadda cagta Talyaanigu ay soo dhammaadeen.

Ronaldo ayaa Real uga tagay Turin isaga oo aaminsan inuu ubuc dhexaad u noqon doono mashruuc ah ku guuleysiga Champions League isaga oo isku dayayay inuu Juventus ka dhigo awoodii Yurub ee ay Real Madrid ahayd.

Laakiin arrimaha ayaan noqon kuwo siduu doonayay u fulay isaga oo saddex xilli ciyaareed oo uu Champions League kala qayb galay hal mar siddeed dhammaadka gaadhsiiyay.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*