“Waan Ka Xumahay Leo, Waxaanu Isku Dayi Doonaa…..” – Madaxweynaha Cusub Ee Barcelona Oo Bandhig Laga Buuxo Xalay Dareenkiisa Ugu Sheegay Messi

Madaxweynaha cusub ee kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa xafladii xalay loogu dhaarinayay xilka madaxweynenimo ee kooxdaas farriin u diray kabtankiisa Lionel Messi kaas oo qudhiisu joogay isla markaana xaadir ku ahaa munaasibadaas.

Advertisements

Ma ahayn kaliya Messi balse waxa sidoo kale meesha joogay ciyaaryahano iyo shaqsiyaad kale oo magac ku dhex leh Barcelona, Joan Laporta ayaa isaga oo hadalkiisa wata mar jaleecay dhinaca Messi kana hadlay wax ku saabsan mustaqbalkiisa.

Image

Laporta ayaa si cad Messi hortiisa uga sheegay inuu isku dayi doono inuu ku qanciyo inuu baaqi kusii ahaado Camp Nou isaga oo ka raaligeliyay inuu qirtay jacaylka uu u qabo isla markaana sheegay in ay Barca sidoo kale isaga jeceshahay.

Joan ayaa yidhi isaga oo arrimaha Leo ka hadlayay “Waxaanu isku dayi doonaa, tusaale ahaan, inaanu ku qancino inuu Leo joogo kooxda, waan ka xumahay Leo, waxaan samayn doonaa waxayga ugu fiican isaguna wuu ogyahay”

“Dabcan waxaanu isku dayi doonaa inaanu isaga ku qancino inuu halkan joogo sababtoo ah isagu waa ciyaaryahanka ugu wanaagsan taariikhda”

“Waan ka xumahay laakiin anigu waan ku jeclahay Barcelona-na way ku jeceshahay, haddii uu garoonkani yahay mid buuxa (Ay jamaahiirtu joogaan) maad doonteen inaad tagto”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*