“Waan Jeclahay Qaabka Uu U Ciyaaro” – Joao Felix Oo Tilmaamay Xiddiga Chelsea Ee Uu La Dhacsan Yahay Kahor Kulankooda Caawa

Advertisements

Da’yarka garabka weerar ee kooxda Atletico Madrid ee Joao Felix ayaa shaaca ka qaaday sida uu ula dhacsan yahay dhigiisa Chelsea ee Mason Mount xilli ay caawa iyaga oo labada kooxood kala horkacaya iskaga hor iman doonaan wareega 16-ka Champions League.

Felix ayaa la rajayn doona in kooxdiisu ay libinta heli doonto lugta hore ee kulanka caawa xilli ay labada dhinac ku kulmi doonaan dalka Romania ciyaar xisaabsan in lagu ciyaarayo garoonka Atletico.

Joao Felix reveals he admires Chelsea star Mason Mount as duo prepare to face off in Champions league showdown

Joao Felix ayaa sheegay inuu dhawr sano kahor maqlay magaca Mount oo uu u sheegay ciyaaryahan ay kasoo wada ciyaareen Benfica isla markaana uu la dhacay qaab ciyaareedkiisa markii uu Blues kasoo muuqday.

Joao oo u warramay wargeyska Daily Mail ayaa yidhi “Waan jeclahay qaabka uu isagu (Mount) u ciyaaro, qaabka uu u jecel yahay inuu kubadda jiido, qaabka uu kubadda u taabto”

“Benfica ayaan kula soo ciyaaray Chris Willock afar ama saddex sano kahor waxaana uu ii sheegay inay Chelsea haysato xiddig uu u arko inuu aniga ila ciyaar yahay waxaana uu ii sheegay inuu yahay Mason Mount”

“Dhawr sano kaddib waxa uu kasoo muuqday Chelsea aniguna waan jeclahay qaabka uu u ciyaaro”

Felix ayaa noqon doona mid kamida halisaha ugu waaweyn ee ay Chelsea wajahayso kahor kulanka caawa ee labada kooxood.

21 sano jirka ree Portugal ayaa Atletico Madrid lacag rekoodh ah oo 113 Milyan Pound ah ugaga wareegay dhinaca Benfica isagoo ah mid kamida da’yarta ugu hibada badan Yurub.

Advertisements

 

1 Fekrad

  1. Sidee loogu badinayna in ay atletico madrid guulaysanayso banooni saas loo saadaliyano waligay maan arag. Iska hubiya qaabka aad wax u qoraysaan.

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*