Waakan Xiddiga Ay Aadka U Jecel Yihiin Jamaahiirta Man United Ee Go’aansaday Inuu Iskaga Tago Old Trafford Suuqa Xagaaga

Khadka dhexe ee kooxda Manchester United ee Donny Van De Beek oo kamida xiddigaha kooxdaas ee ay jamaahiirtu aadka u jecel yihiin ayaa lagu soo warramayaa inuu iskaga tago kooxdaas kaddib kaliya hal xilli ciyaareed oo uu ku qaadanayo.

Advertisements

Van De Beek ayaa ahaa saxeexa ay lacagta badan kasoo bixisay Man United suuqii xagaaga ee hore balse xiddiga Dutch-ka ah ayaa ku fashilmay inuu xoraysto booskiisa shaxda asaasiga ah isaga oo kaliya laba kulan oo Premier League ah ugu soo bilawday Red Devils.

Sida uu sheegayo wargeyska Daily Star, Van De Beek ayaa doonaya inuu wadahadalo toos ah la yeesho guddoomiye k xigeenka kooxdaas ee Ed Woodward kahor dhammaadka xilli ciyaareedka isla markaana uu doonayo inuu baxo si uu dub ugu soo nooleeyo waayihiisa ciyaareed.

Van De Beek ayaa kusoo bilawday 11 kulan xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan halka inta kale ee 15 kulan oo uu soo ciyaaray ay ahaayeen kuwo uu bedel ku yimid iyadoo tababare Ole Gunnar Solskjaer uu ka doorbidayo xiddigaha kale ee ay boos wadaaga yihiin.

Advertisements

VDB ayaa booskiisa khadka dhexe u waayay Scott McTominay, Fred, Nemanja Matic iyo Paul Pogba iyadoo uu Bruno Fernandes yahay ciyaaryahanka rasmiga u leh booska No.10.

23 sano jirkaas ayaa sidoo kale la sheegayaa inuu ka wer-wersan yahay in ciyaaris la’aanta ku haysata Old Trafford ay tahay mid saamayn ku yeelan karta ciyaartiisa tartanka EURO.

Donny ayaa ahaa mid saddexdii toddobaad ee ugu dambeeyay ka maqnaa Manchester United kaddib markii uu gaadhay dhaawac muruqa ahi.

Si kastaba, sida uu sheegay tababare Solskjaer xiddiga ayaa kasoo muuqan kara kulanka ay Man United Khamiista booqanayso dhigeeda AC Milan kulan Europe League ah.

Advertisements

 

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*