Waakan Go’aanka Haddii Uu Eden Hazard Qaato Ay Macquul Tahay Inuusan Abid Markale Dib U Ciyaarin Kubadda Cagta Garoomadana Lagu Arag

Garabka weerar ee kooxda Real Madrid ahna geesigii hore ee Chelsea ee Eden Hazard ayaa loo sheegay talaabo haddii uu qaado ay macquul tahay inuusan abid kubadda cagta dib u ciyaarin kaddib dhaawaciisii ugu dambeeyay ee dib u dhaca kale ku keenay xilli ciyaareedkiisa.

Advertisements

Xiddiga Belgian-ka ah oo heshiis ka badan 100 Milyan oo Pound ugu wareegay Real Madrid kaddib markii uu 110 gool ugu soo dhaliyay Chelsea 352 kulan ayaa arkayay waayiihiisa ciyaareed oo uu dhaawac halakeeyay tan iyo wakhtigaas.

Image

Hazard ayaa dhawaan uun kasoo laabtay dhaawaciisii 11-aad ee gaadhay tan iyo markii uu ku biiray Real Madrid sanadkii 2019 iyadoo ay jugi ku gaadhay ciyaartii ay guuldarrada 2-1 ka ah kala soo kulmeen Levante.

Waxa jira warar dhawaan soo baxay oo sheegaya in Hazard uu dalbanayo in qaliin kale lagu sameeyo taas oo noqonaysa markii saddexaad ee canqawga laga qalayo.

Advertisements

Laakiin Dr Jose Gonzalez oo ka shaqeeya kooxda ay Real xifaaltamaan ee Atletico Madrid ayaa uga digay Hazard inuu qaliin kale maro isaga oo u sheegay inay macquul tahay inuusan abid dib u ciyaarin kubadda cagta markale haddii uu sidaas sameeyo.

Dr Jose oo u warramayay Ondacero ayaa yidhi “Hazard waa inuu kooxda tababar la sameeyo ilaa 10 xalqadood, khibradayda isaga way ku adagtahay inuu Real Madrid ugusoo laabto heerkiisa xilli ciyaareedkan”

“Haddii uu ciyaaryahan soo laabto kaddib dhaawac dheer isaga oo in yar tababartay, waxa ugu macquulsani waa inuu markale dhaawacmo”

“Waxa uuu qabaa wer-wer, waxa uu doonayaa inuu muujiyo inuu u qalmo waxaana uu rabaa inuu 100% bixiyo isaguna halkaas uma joogo midaas’

“Qaliin saddexaad oo lagu sameeyo canqawga Hazard waxa uu noqon doonaa mid halis ah, waxa jiri karta suurogalnimada uu ciyaaryahanku markale ku ciyaari waayo kubadda cagta”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*