Waa Xaqiiq Xiddigaan Muhiimka Ah Wuu Seegi Doonaa Kulanka Liverpool – Guardiola Oo Xaqiijiyay Inuusan Heli Karin & Xiddiga Badali Doona.

Advertisements

Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in goolhaye Ederson Moares uu seegi doono kulanka weyn ee Axadda ka dhici doona Anfield, markaas oo ay iska hor imaan doonaan kooxaha ugu sarreeya horyaalka Premier League.

Goolhayaha dooqa koowaad ee kooxda difaacaneysa horyaalka ayaa dhaawac dhanka muruqa ah la kulmay kulankii ay todobaadkaan 1-1 la galeen Atalanta, waxaana la rajeynayay inuu helo wakhti uu kusoo kabto, balse ma dhicin waxaana la xaqiijiyay inuu kulanka seegi doono

Si kastaba Guardiola wuxuu xaqiijiyay in Claudio Bravo uu gali doono goolka, waana kulan adag oo ay kooxda martida ah u baahan tahay iney hesho natiijo wanaagsan si ay xiisaha horyaalka sare ugu qaado.

“Ederson suuragal uma ahan inuu ciyaaro, balse waxaan heysanaa goolhaye kale oo heer sare ah, Claudio ayaa sidoo kale sameyn kara” ayuu yiri Guardiola oo saxaafadda kaga jawaabayay su’aalo ku saabsan kulanka Axadda.

“Ku guuleysigii Carabao Cup isaga ayaan uga mahad celineynaa, waa goolhaye gaar ah, kulamo badan ayuuna u ciyaaray Chile”

Markii ugu dambeysay uu Claudio Bravo kusoo bilowdo kulan ka tirsan horyaalka waxaa laga joogaa 18-bilood, waxeyna aheyd maalintii ugu dambeysay fasal ciyaareedkiisii 2017/2018 markaas oo ay la ciyaareen Southampton.

Advertisements

Guardiola waxaa la weydiiyay hadii uu kalsooni ku qabo goolhayaha: “Maxaan ugu kalsoonaan waayay ciyaartoydeyda? maba jeclaan laheyn inaan noqdo ciyaariyahan hadiiba uu macalinkeyga iga shakisan yahay”

“Maalin walba ayaan tababarka ku arkaa, iyo sida uu goolhaye fiican u yahay, ma dooneyno inaan isaga dartiis u guuldareysano”

Comments are closed.