Aabaha dhalay weeraryahanka reer Uruguay ee Edinson Cavani ayaa ka hadlay xaaladda uu ku sugan yahay wiilkiisu ee garoonka Old Trafford, waxaanu qiray in aanu ku faraxsanayn inuu sii joogo Manchester United.
Sida uu sheegay aabbaha dhalay Cavani, wiilkiisa ayaa doonaya inuu iskaga tago kooxdaas oo uu mar horeba xidhiidh lasii sameeyey naadiga Boca Juniors ee waddanka Argentina.
Luis Cavani oo waraysi siiyey warbaahinta TyC Sports ayaa yidhi: “Wiilkaygu kuma faraxsana England, waxaanu doonayaa inuu mar kale usoo dhowaado qoyskiisa.”
Cavani ayaa ka tegi doona Manchester United dhamaadka xilli ciyaareedkan iyadoo uu iska diidayo inuu ogolaado in heshiis cusub oo sannad ah oo loo bandhigay uu saxeexo, sida uu sheegay aabbihii Luis Cavani oo yidhi: “Edinson wuxuu ciyaaraha ku dhamaysan doonaa South America. Waxaan doonayaa in Edinson uu u ciyaaro koox u dagaallamaysa sida Boca Juniors, mar walbana wuxuu ka heli jiray fikradda ciyaareed ee Boca.
“Haddii uu kusoo laabto South America, waxa uu ku biiri doonaa Boca.”
Luis waxa uu intaas kaddib caddeeyey in wiilkiisu uu ka tegayo Manchester United, waxaanu yidhi: “Badhtamaha sannadkan ayuu kusoo laabanayaa South America. Fikradda wiilkaygu maaha inuu halkaa (Man United) sii joogo, wuxuu doonayaa inuu soo laabto.”
Warkan ayaa jab weyn ku ah Manchester United oo rajaynaysay inay sannad kale sii haysato Cavani si uu u caawiyo weeraryahannada dhalintu ku adag tahay ee Marcus Rashford, Anthony Martial iyo Mason Greenwood.
Shalay ayuu soo baxay warka sheegaya in Edinson Cavani uu tegi doono Boca Juniors, isla markaana aanu doonayn inuu sii joogo Old Trafford, laakiin kooxdiisa ayaan kasoo saarin war rasmi ah.
Wargeyska The Sun ayaa isaguna sheegay in Edinson Cavani uu ka cadhaysan yahay fursadaha kooban ee tababare Ole Gunnar Solskjaer uu siiyo, isla markaana uu dalbanayo jawaab la xidhiidha sida uu noqonayo mustaqbalkiisa ciyaareed.
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora