“Waa Run Inaan Cayilay Oo Naaxay” Eden Hazard Oo Qirtay Isbadalka Ku Yimid Jirkiisa.

Advertisements

Real Madrid ayaa lasoo saxiixatay xagaagii laga soo gudbay Eden Hazard, balse hadal heyn badan ayaa laga sameeyay muuqaalka jirkiisa maadaama uu u muuqday mid cayilay.

Xiddigaan wuxuu kasoo tagay Stamford Bridge, balse wuxuu Santiago Bernabeu yimid isagoo aan laheyn qaabkii lagu arkayay bilahii ka horreeyay.

Eden wuxuu qirtay inuu miisaankiisa kordhay, balse uu fasax ku jiray, sidoo kalana wuxuu qof walba u sharraxay isbadalka uu soo maray min wakhtigiisii Lille ilaa uu ka yimaado caasimadda Spain.

“Waa run, been ma sheegayo” ayuu yiri Hazard oo la hadlayay Sport and Foot Magazine mar la weydiiyay hadii uu cayilay markii uu yimid Madrid.

“Blase hadii aan fasax ku jiray, fasax ayaan ku jiray”

“Waxaa igu kordhay 5 kiilo xagaagii, waxaan ahay qof durba u cayila, balse sidoo kale si wanaagsan dhaqso u dhimi kara miisaankiisa”

Advertisements

Markaan ahaa 18-jir joogay Lille, miisaankeyga wuxuu ahaa 72 ilaa 73, kadib 75 ayaan noqday markii aan murqo kusoo kordhiyay jirkeyga, marka ay ugu liidato waxaan ahaa 77″

“Balse xagaagii lasoo dhaafay waxaa noqday 80 Kiilo, balse durba waxaan ku lumiyay 10 maalmood”

Leave a Reply

Your email address will not be published.