Waa Maxay Sidani? – Barcelona Oo Ka Baxday Balantii Ay La Gashay Daafaca Man City Ee Eric Garcia & Go’aanka Adag Ee Horyaala

Kooxda ree Spain ee Barcelona ayaa isku dayaysa inay sii qorshayso saxeexyada ay kooxdeeda keenayso suuqa xagaaga iyadoo daafaca dhexe ee Manchester City ee Eric Garcia uu qayb ka yahay liiska xiddigaha bar-tilmaameedka u ah.

Advertisements

Da’yarka daafaca dhexe ayaa Barcelona heshiis cusub la gaadhay sanadkii hore balse walow ay ilaa hadda Barca xiiso u qabto saxeexiisa waxa ay u bandhigeen mushahar ka yar midkii ay u bandhigeen sanad kahor markii ay saxeexiisa rabeen.

Eric Garcia opens up about his situation and his possible ll … | Football24 News English

Mateu Elemany ayaa noqday agaasimaha cusub ee dhinaca ciyaaraha ee Barcelona kaddib imaatinka madaxweyne Joan Laporta waxaana uu bilaabay inuu qaato go’aamo cusub.

Mid kamida go’aanada uu gaadhay Elemany ayaa ahayd inuu ogolaaday in kooxdu ay samayso saxeexa Eric oo aad ugu dhawaaday inuu Barcelona kusoo biiro labadii suuq ee ugu dambeeyay.

Si kastaba, Barcelona ayaa hadda isku dayaysa inay yarayso dalabkii ay bilooyin kahor u gudbisay Garcia sababtoo ah xaalada dhaqaale ee ay kooxdu u gashay sababta Korona Fayras iyadoo ay wararku sheegayaa inay u bandhigeen kala badh mushaharkii ay hore ugula heshiiyeen.

Haatan go’aanka ayaa ah mid horyaala Eric Garcia waxaana la arki doonaa haddiiba uu ku galayo oo uu wali xiiso u qabo inuu ku biiro kooxda uu kuliyadeeda La Masia dhawr sano kahor kasoo dhaqaajiyay.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*