Waa Maxay Sababta William Saliba Uu Tababar Ugu Qaadanayo Xarunta Arsenal Madaama Amaah Lagu Siiyay Saint-Etienne?

Advertisements

Saxiixa cusub ee Arsenal Willian Saliba ayaa lagu sawiray xarunta tababarka Arsenal ee London Colner isagoo ka soo kabsanaya qaliin jilibka looga sameeyay.

18 jirkaan ayaa heshiis 27 milyan ginni ugu wareegay Gunners xagaagii inkastoo ay xiiseyneysay kooxda Tottenham, laakiin waxaa durbadiiba heshiis amaah hal xilli ciyaareed ah lagu siiyay kooxdiisa hore ee Saint-Etienne.

Saliba ayaa dhaawac uu soo gaaray bartamihii bisha Agoosto waxaana ay ku qasabtay in qaliin lagu sameeyo isagoo lix isbuuc garoomada ka maqnaanaya.

Haatan oo uu ku jira qeybtii ugu danbeysay ee soo kabsashadiisa waxaa lagu sawiray isagoo tababar ku sameynaya qolka jirdhiska Gunners isaga iyo saxiixa kale ee xagaaga Kieran Tierney kaasoo isna taam ahaansho buuxda ku dhow.

Arsenal oo Axada la ciyaareysa Watford ayaa sawirka William Saliba waxa ay soo dhigeen akoonkooda Instagram iyagoo ku soo qoray: “Bal eeg waa kuma!”, taasoo ka farxisay taageerayaasha inay arkaan saxiixooda cusub oo ku dhawaanaya taam ahaansho buuxda.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  RASMI: Tababare Valverde Oo Ku Dhawaaqay Liiska Xiddigaha Kooxdiisa Barcelona Ee Kulanka Granada - Miyay Kusoo Wada Baxeen Messi, Suarez & Greizmann?

Su’aalo badan ayaana la iska weydiiyay sababta uu ugu soo laabtay koxoda iyadoo taageere uu ku kaftamay inaan loo ogolaanin inuu Saint-Etienne ku laabto oo bedelkiisa Mustafi la siiyo kooxda Faransiiska.

Advertisements

Sababta ugu weyn ee William Saliba ugu soo laabtay London Colney ayaa ah inay kooxda hubiso taam ahaanshihisa islamarkaana ay ka warqabto sida uu uga soo kabsanayo dhaawaciisa.

William Saliba ayaa loo ogolaan doonaa inuu ku laabto Saint-Etienne marka uu taam ahaansho buuxda helo.

Comments are closed.