Waa Maxay Sababta Uu Xiddiga Man United 400 Mayl Ugu Safro Si Timaha Loogu Soo Jaro?

Advertisements

Xiddiga Manchester United Daniel James ayaa si cajiib ah ku bilowday xilli ciyaareedka, sirta ka danbeysa ayaana lagu sheegay inuu nasiib wanaag u arko timaha oo loo xiiro ama jaro.

Ciyaartoyda kubada cagta ayaa lagu yaqaanaa inay leeyihiin quraafaad ay sameeyaan ka hor kulamada, James isna kama duwana, waxaana uu safar 400 mayl ah oo sii socod iyo soo noqosho ah u galaa inuu timaha u jaro ninka kaliya ee aaminsan yahay.

Ninkaas waxaa lagu magacaabaa Rhys Bell waxaana uu ra’iisle ku leeyahay magaalada Swansea ee dalka Wales halkaasoo uu James ka ciyaarayay muddo shan sannadood ah ka hor inta uusan Man United ugu soo wareegin heshiis 15 milyan ginni ah xagaagan.

Xiddiga reer Wales ayaa aaminsan in nasiib wanaag ay u tahay inuu kaliya halkaas timaha ka soo jarto inkastoo uu haatan deegaan ku yahay magaalada Manchester.

Daniel James ayaa dhaliyay seddex gool shantii kulan ee uu ilaa iyo haatan u ciyaaray Manchester United, waxa uu sidoo kale gool u dhaliyay xulka Walbes kulankii saaxiibtinimo ee ay la ciyaareen Belarus.

21 jirkaan ayaa u tartamaya inuu taam u noqdo kulanka maanta ee West Ham ka dib dhaawacii canqowga ka soo gaaray, haddii uu ciyaaro waxa uu rajeynayaa in nasiibka timo jarihiisa uu saacido oo uu shabaqa soo taabto.

Advertisements

“Dan cid kale kuma aamino timahiisa, waxaana uu isku dayaa inuu soo arko Rhys ka hor kulamada.” ayuu nin saaxiib la ah xiddigaan u sheegay jariirada Daily Star.

“Waa safar dheer in kaliya timo jar loo aado laakiin Daniel waxa uu aaminsan yahay inay u qalanto.”

One response to “Waa Maxay Sababta Uu Xiddiga Man United 400 Mayl Ugu Safro Si Timaha Loogu Soo Jaro?”

  1. Thanks laaci
    .net