Waa Maxay Sababta Uu Philippe Coutinho Masuulka Uga Noqon Karo In Kai Havertz Uu Ku Biiro Man United ama Liverpool?

Advertisements

Xiddiga khadka dhexe ee Bayer Leverkusen (Kai Havertz) ayaa lala xiriirinayay mudooyinkii dambe inuu u guurayo horyaalka Premier League, wararka waxey sheegayeen iney isku heystaan kooxaha ugu guulaha badan England ee Liverpool & Man United.

Sida xogta lagu hayo wiilkaan farsamada badan wuxuu doonayaa inuu tartan cusub ka bilaabo meel kale, taasna waa midda keentay in kooxaha doonaya ay sare u qaadaan xiisaha ay u qabaan.

20-jirkaan waxaa la sheegaa in lagu heli karo 110 Malyan oo Pound, waxaana sidoo kale dooneysa Bayern Munich oo ka mid ah kooxaha ugu xoogan yurub iyo dunida kubadda cagta.

Michael Ballack oo horay usoo maray kooxaha Leverkusen iyo Munich ayaa xiddigaan kula taliyay inuu isha ku haayo xaaladda Bavaria.

Balse inuu ku biiro Bayern Munich waxey ku xiran tahay hadba sida uu Philippe Coutinho uga soo dhex muuqdo kooxda uu amaahda ku joogo inta ka dhiman fasalkaan.

Advertisements

Hadii Coutinho uu maamulka Bayern Munich ku qanciyo tayadiisa iyo inuu u qalmo iney si toos ah ula wareegaan, waxey noqoneysaa in Havertz uu ku biiro kooxaha Premier League.

Si kastaba Ballack wuxuu aaminsan yahay in tayada xiddigaan da’da yar ay tahay mid banaanka timid, balse mar walba kooxda ay miisaameyso xogaha dhaqaalaha suuqa iyo sida ay ugu baahi qabto booskiisa.

Comments are closed.