Waa Maxay Sababta Uu Aaron Ramsey U Raaligaliyay Cristiano Ronaldo Markii Uu Hogaanka U Dhiibay Juventus?

Advertisements

Aaron Ramsey ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay UEFA Champions League isagoo ka tirsan Juventus, wuxuuna shabaqa soo taabtay kulankii ay sida dirqiga ah xalay kaga aadkaadeen kooxda Lokomotiv Moscow ee dalka Russia.

Xiddigaan sida xorta ah ku yimid kooxda Bianconerri ayaa kusoo bilowday kulankii xalay, wuxuuna shabaq soo taabsiiyay goolkii 300-aad ee ay Juventus soo taabsiiso kulamada koobka horyaalada yurub.

Marwada duqda ah waa kooxda shanaad ee ugu goolasha badan koobkaan, sidoo kalana waa tan ugu badan ee kooxaha ka dhisan talyaaniga.

Ramsey goolka uu dhaliyay wuxuu ahaa mid lagu qori karay magaca Cristiano Ronaldo, maadaama xiddiga reer Portugal uu kubad awood leh oo laad xor aheyd ku tuuray goolka,

Advertisements

Goolhayaha Lokomotiv Moscow uma suuragalin inuu qabsado, wey ka hoos baxday, kubadii oo goolka kusii socota ayuu Ramsey sii dhameystiray taasoo keentay ineysan kubadda ku qormin magaca Ronaldo oo raadinaya inuu dhaliyo laadkiisii xorta ahaa ee ugu horreeyay isagoo xiran maaliyadda marwada duqda ah.

Aaron Ramsey wuxuu u muuqday mid rali galinaya Ronaldo marka uu dabaal dagayay, xiddiga reer Portugal qudhiisa wuu dhoola cadeeyay.

Comments are closed.