Waa Maxay Sababta Ay Laacibiinta Gacanta Ama Gacmaha U Taagaan Marka Ay Koorno Soo Tuurayaan? Sharaxaad Laga Bixiyay

Advertisements

Inta badan waxaan aragnaa marka ay ciyaartoyda soo tuurayaan kubada koornada iyagoo hal gacan ama labada gacmood kor u taaga, weli ma isweydiisay sababta ka danbeysa iyo waxa ay la micno tahay?

Gacanta ama labada gacmood oo kor loo taago waa qaab ay kuwada xiriiraan xiddiga kubada soo qaadaya iyo asxaabtiisa doonaya inay dhaliyaan kubada koornada.

Markii hore waxay la micno ahaan jirtay hal gacan oo kor loo taago in kubada la soo dhigayo birta koowaad ee ugu soo sokeysa, halka labo gacmood oo kor loo taago ay la micno aheyd in birta labaad ama tan ugu shisheysa in kubada la geynayo.

Wax sidaas u sahlan ayay ahaan jirtay.

Laakiin haatan sidaasi waa ay ka yara dhib badan tahay madaama sharcigaas ay kooxaha oo dhan wada fahamsan yihiin, waxay koox walba ku sameysay isbedel si aysan u fahmin kooxda kale.

Koox walba gacanta ama labada gacmood oo kor loo taago waxay u sameysteen taatiko u gooni ah oo ay isla ogyihiin.

Kooxaha qaar ayaa u isticmaala cagsiga sharcigii hore oo hal gacan ay la micno tahay birta labaad halka labo gacmood ay la micno tahay birta koowaad.

Qaar ayaa u adeegsada in kubada la soo qaadayo loo dhaweynayo goolhayaha ama in laga fogeynayo, waxayna waqtigaan casriga ah ku xiran tahay hadba koox waliba sida ay iskula gartaan marka tababarka sameynayaan.

Waxaa iyadana sidoo kale micno weyn sameysa gacanta la taagayo mida ay tahay. Haddii ay tahay gacanta midig iyo ama gacanta bidix taasoo fariin gaar ah u gudbineysa xiddigaha kale ee doonaya inay koornada dhaliyaan.

Xiddigaha qaar ayaa sidoo kale gacanta taaga marka ay laad xor ah soo tuurayaan, waana si la mid koornada oo waxay tilmaam ka bixinayaan halka ay kubada dhigi doonaan.

Laakiin waa maxay sababta laadadka xorta iyo koornooyinka loogu sameystay fariimo qarsoon oo ay ciyaartoy isagu gudbiyaan gacmaha?

Advertisements

Sababtoo ah ku dhawaad boqolkiiba 40 goolasha la dhaliyo waxay ku yimaadaan laad xor ah ama koorno taasoo muhiim ka dhigeysa inay koox walba sameysato sir qarsoodi ah oo ay kuwada xiriiraan.

Tusaale ahaan xulka England hubkoodii ugu weynaa ee Koobkii Adduunka ee 2018 waxay aheyd kubadaha laadadka xorta iyo koornooyinka. Sagaal ka mid ah 12kii gool ay dhaliyeen waxay ku yimaadeen koorno ama laad xor ah.

Comments are closed.