Waa Maxay Sababta Ay Jamaahiirta Liverpool Baraha Bulshada Uga Dalbadeen Sadio Mane Inuu U Dabaal Dago Sida Luis Suarez Hadii Uu Gool Ka Dhaliyo Man City?

Advertisements

Wali waxaa lagu jiraa wajigii hore horyaalka, waxaana la mararayaa bisha November, balse dad badan ayaa u arka in kulanka isbuuca soo socda dhexmari doona kooxaha Liverpool & Man City uu yahay midkii lagu go’aamin lahaa horyaalka.

Liverpool hadii ay guul gaarto waxey dhigeeda muwaadiniinta hogaanka kaga qabaneysaa dhibco gaaraya (9), balse hadii wiilasha Guardiola ay muddo kadib ku badiyaan Anfield waxey farqiga kasoo dhigayaan (3-dhibcood) oo qura.

Si kastaba Pep Guardiola wuxuu dareemayaa iney Anfield u aadi doonaan guul, sidoo kalana wuxuu inyar ka hadlay Sadio Mane, taasoo keentay in jamaahiirta kooxda Reds ay baraha bulshada uga codsadaan xiddigaan inuu ku daydo Luis Suarez.

“Marar badan ayey dhacday, waxa ay Liverpool sameysay sanadahii ugu dambeeyay, sababtoo ah (Mane) waa xiddig leh tayo khaas ah” ayuu yiri Pep.

“Mararka qaar wuu is tuuraa, mararka qaarna wuxuu leeyahay tayo uu ku dhaliyo goolal aan caadi aheyn daqiiqadda ugu dambeysa, waa xiddig tayo leh”

Sadio Mane wuxuu gudoomay Jaale markii lagu eedeeyay kulankii Aston Villa inuu istuuray, sidoo kale waxaa lagu galay laba rigoore oo kooxdiisa ka saaciday iney kaga guuleystaan Tottenham iyo Leicester City.

Haddaba jamaahiir careysan oo Reds ah ayaa xasuustay wixii uu sameeyay Suarez sanadkii 2012 kaas oo jiliin istuur ah ku sameeyay afka hore kursiga keydka kooxda Everton, wuxuun doonayay inu kaga careysiiyo David Moyes oo kulanka ka hor ku sheegay inuu istuuro xiddiga rer Uruguay.

“Waligey ma arkin Klopp oo ciyaartoyda kasoo horjeeda ku sheegaya iney istuuraan, Klopp waa mid caqli ahaan taas ka fog, Guardiola wuu luminayaa, waxaan rajeynayaa hadii Mane uu gool ka dhaliyo isbuuca soo socda inuu hortiisa isku tuuro sidii uu Suarez ku sameeyay Moyes” ayuu taageere kusoo qoray twitter-ka.

“Waxaa kaliya rajeynayaa in Mane uu gool ka dhaliyo isbuuca dambe, iskuna tuuro Guardiola hortiisa sidii uu Suarez ku sameeyay Moyes, doqonka” ayuu taageere kale yiri.

Advertisements

“Waan qanacsanahay hadii Mane uu u dabaal dago sida Suarez isbuucas oo aadan”

“Waxaan jeclaan lahaa in Mane uu goolka guusha ka dhaliyo Man City kulanka Axadda kadibna isku hor-tuuro Guardiola sida uu Suarez ku sameeyay Moyes iyo ciyaartoyda kursiga keydka Everton”

Comments are closed.