Waa Maxay Sababta Ay Barcelona U Dooneysa Iney Man United Ka Dulqaado Bruno Fernandes Isla Markaana Ay Amaah Kusii Bixiso?

Advertisements

Kooxda Barcelona ayaa keentay qorshe layaab leh oo ay dooneyso iney kula soo saxiixato xiddiga bartilmameedka u ah Man United ee Bruno Fernandes, balse ma dooneyso iney ku heysato Camp Nou.

25-jirka reer Portugal ayaa doonaya inuu ku biiro Red Devils, balse labada kooxood ayaa ku heshiin waayay lacagaha xiddigaan lagu kala iibsanayo, waana midda keentay in la hakiyo wadahadaladii labada kooxood ay ka lahaayeen arinta xiddigan.

Iyadoo ay taasi jirto ayey Barcelona meeshaas ka aragtay fursad ay kula saxiixan karto xiddiga ugu wanaagsan Sporting, waxeyna dooneysaa iney u adeegsato maqaalintii ay kusoo dabi laheyd saxiixa Rodrigo Moreno.

Balaugrana waxey aad ugu baahan tahay weeraryahan dhexe oo badal u noqda Suarez oo dhaawac uga maqnaan doona inta ka dhiman fasalkaan, sidaas darteed Superdeporte ayaa lagu qoray in kooxda ay ku fakartay saxiixa Bruno oo ay durba amaah ku siineyso Valencia si ay kaga hesho xiddiga ay ka dooneyso ee Rodrigo Moreno.

Qorshahan layaabka leh ee wareerka badan ku dhaliyay jamaahiirta ayaa loo fasiray in kooxda ka dhisan Catalonia ay dooneyso iney hal dhagax laba shimbirood ku disho.

Advertisements

Saxiixa Bruno wuxuu ka caawinayaa iney heshiis amaah is weydaarsi ah la gaarto Valencia oo ay muddo lix bilood ah kaga helaan Rodrigo, wixii ka dambeeya xagaagana ka fakaraan sidi ay kaga faa’ideysan lahaayeen tayada uu leeyahay Fernandes oo si toos ah u imaanaya Camp Nou.

Arintaan waxey imaaneysa xilli Ole Gunnar Solskjaer uu ka dhawaajiyay ineysan bishaan January ku mashquuli doonin wax saxiixyo ah, waxaana muuqata iney gabi ahaanba iska dhaafeen saxiixa Bruno.

Comments are closed.