Waa Maxay Qodobka Ku Jiray Heshiiskii Tottenham Iyo Pochettino Ee Manchester United U Diidaya Inay Magacowdo Mauricio?

Advertisements

Manchester United ayaan tababare cusub u magacaabi karin macallinkii hore ee Tottenham ee Mauricio Pochettino illaa laga gaadhayo bisha June, taas oo fursad dheeraad ah siinaysa tababaraha cadaadisku saaran yahay ee Ole Gunnar Solskjaer.

Manchester United oo laba guul-darro oo isku xigta ay usbuucii hore usoo geysteen Liverpool iyo Burnley ayaa waxay halis ugu jirtaa inay ka qaddo Champions League xili ciyaareedka dambe, waxaanay ku jirtaa kaalinta shanaad oo ay ku fadhido 34 dhibcood, hase yeeshee waxa dhibcahaas oo kale haysta Tottenham iyo Wolves, kuwaas oo ka faa’iidaysan kara haddii ay jidka guusha kusoo noqon weydo.

Waxa kale oo dheer, in Manchester City oo lugtii hore ee semi-finalka Carabao Cup kusoo burburisay 3-0 ay dhamaadka toddobaadka ku ballansan yihiin Etihad Stadium, halkaas oo aanay jamaahiirta United filaynin inay natiijo fiican ka helaan.

Rikoodhka guulaha ee intii uu xilka hayey tababare Ole Gunnar Solskjaer, waxa ka batay rikoodhka guul-darrooyinkiisa, taasina waxay keentay hadal-hayn ah in toddobaadkan uu shaqadiisa waayi karo haddii ciyaarta maanta ee FA Cup iyo Carabao Cup uu wax guul ah ka keeni waayo.

Mauricio Pochettino ayaa ah macallinka lala xidhiidhinayo inay kooxdu magacaabayso, waxaana jiray warar sheegaya inay wada-hadallo dhex mareen, hase yeeshee waxa soo baxday caqabad weyn oo Manchester United u diidi karta inay tababaraha reer Argentine magacowdo waqtigan.

Advertisements

Qodob ku jiray heshiiskii uu Pochettino kula jiray kooxdii eriday ee Tottenham, ayaa waxa uu dhigayaa in haddii tababarahani shaqo cusub qabto inta ka horreysa bisha June, in kooxdaasi ay bixin doonto 10 milyan oo magdhow ah oo Spurs la siin doono, taas oo Man United ay ku qasbanaan doonto inay u shubto Tottenham haddii ay shaqada u dhiibaan macallinka reer Argentine.

Ed Woodward iyo qoyska Glazers ayaan diyaar u ahayn in lacag intaas le’eg ay siiyaan kooxda uu kasoo tegay tababaraha ay magacaabayaan oo waqtiganna dibedda iska jooga, taasina waxay cimriga usii saayidin kartaa Solskjaer oo illaa dhamaadka xili ciyaareedka sii joogi kara Old Trafford.

Comments are closed.