“Waa Markaagii Saaxiibkeey” – Arsene Wenger Oo Qirtay Inuu Ku Raaxeysto Daawashada Tababarayaasha Ku Rafaadsan Premier League

Advertisements

Arsene Wenger ayaa dabeecadiisa qarsooneyd banaanka soo dhigay isagoo ku kaftamay inuu ku raaxeysto daawashada tababarayaasha dhibaateysan ee Premier League.

Halyeeyga Arsenal ayaa qodoba badan ka hadlay wareysi uu siiyay idaacada BBC Radio 4 saaka oo Axad aheyd.

Wenger oo 71 sanno jir ah ayaa kooxda Arsenal joogay muddo 22 sannadood ah isagoo guul iyo guuldaraba la soo qeybsaday ka hor inta uusan isaga tagin sannadkii 2018.

Advertisements

Wenger oo haatan aan shaqo tababare heynin ayaa sheegay inuu ku raaxeysto rafaadka ay ku jiraan tababarayaasha kale.

“Waxaan ku raaxeystaa tababarayaasha kale oo rafaada. Waxaan niyada iska dhahaa ‘waa markaagii saaxiibkeey'” ayuu yiri Wenger.

“Waxaan sidoo kale ku raaxeystaa daawashada kubada cagta, aad ayaan u jeclahay. Waa ay ii sahlan tahay marka aan daawanayo ciyaaraha kale anigoon tababare aheyn.

“Waa maxay sababta uu ciyaaryahankan go’aankan u qaatay? Muxuu yahay qaladaadka waa weyn ee ay sameeyeen? waan ku riyaaqaa inaan isweydiiyo su’aalahaas sababtoo ah kubada cagta waa mid aan la saadaalin karin mar walba.

“Ma ahan sida inaad riyaawad daawaneyso oo aad ogtahay sida ay ku bilaabaneyso mar walba iyo sida ay ku dhamaaneyso. Habeen walba oo aad aado ciyaar kubada cagta ah waa ay ka duwan tahay habeenka kale.”

Wenger ayaa ah tababaraha ugu mudada dheer Arsenal uguna guulaha badan isagoo ku hogaamiyay seddex koob oo Premier League ah iyo todoba FA Cup.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*